Mareykanka oo shaaciyey sababta rasmiga ah ee ka danbeysay xirista saldhigoodii dalka Ethiopia

Muqdisho (Caasimada Online) – Saraakiil u hadashay Wasaarada Gaashaandhiga Mareykanka ayaa faahfaahin ka bixiyay sababta ka danbeysay burburinta Saldhiga ay ku lahaayeen Koonfurta Ethiopia.

Wargeyska Asharqal Awsad oo xiganaaya Saraakiil ka tirsan Dowlada Mareykanka gaar ahaan wasaarada Gaashaandhiga dalkaasi ayaa qortay in Howlihii ka socday Saldhigaasi loo weeciyay burburinta Kooxda Boko Haram, oo kusii xoogeysaneysa Africa iyo Kooxo kale oo saldhigyo argagixiso ka sameystay Galbeedka Afrika iyo Liibiya.

Asharqal Awsad waxa uu qoray in Saraakiishaasi ay sheegen in gabi ahaan laga maarmay Ujeedkii laga lahaa Al-shabaab, iminkana si KMG ah ay Diyaaradaha Drones-ka howlihii ka socday Koonfurta Ethiopia u weecinayaan dhanka Boko Haram iyo Al-qaacidada kale.

Qoraal sidoo kale kasoo baxay Taliska Ciiddanka Maraykanka ka jooga Qaaradda Afrika, ayaa lagu sheegay in Saldhigga ay Maraykanka ka samaysteen dalka Kaamiruun loo adeegsan doono Hawlgalladda ka dhanka ah Kooxaha Boko Haram iyo Alqaacidada ka sugan qeybo ka mid ah dalka Libya iyo Galbeedka Afrika, sida lagu cadeeyay qoraalka.

Saldhiga la burburiyay ayaa ku yiilay Degmadda Arba Minch oo 450 KM dhanka Koonfurta kaga toosan caasimadda dalka Ethiopia ee Addis Ababa.

Saldhiggaasi ayaa horey loogu adeegsan jirey duqeymaha lala eegto Alshabaabka Somalia iyo Alqaacidada Gacanka Carbeed ee dalka Yemen.

Sababta ugu weyn ee loo xiray Saldhiga ku yiilay Degmadda Arba Minch ayaa ah mid lagu doonaayo in Milliteriga iyo Sirdoonka Mareykanka ay ka faa’iideystaan mudada uu Al-shabaab u dhexeeyo is qabqabsiga sababay kala jabka Kooxda.

Dhanka kale, Warbixinta Taliska waxaa lagu sheegay in ka guurista Saldhigaasi uu micnaheedu aheyn in laga kaaftoomay duqeymihii lagu hayay Al-shabaab, balse ay jiri doonaan Diyaarado kormeer joogta ah ku heyn doona Al-shabaab.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com