USA oo shaacisay tirada Shabaab-kii ay ku dileen weerar Torotorow

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Milliteriga dowlada Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday in duqeymihii ugu danbeeyay ee ka dhacay Deegaanka Torotorow ee Gobalka Sh/hoose lagu khaarijiyay Saraakiil ka tirsanaa maleeshiyada Al-shabaab.

Captain Jennifer Dyrcz oo ah Afhayeenad u hadasha Taliska Milliteriga Maraykanka ee Afrika, ayaa sheegtay in weerarkaasi oo ay fuliyeen diyaaradaha aan laheyn duuliyaha isla markaana lagu beegsaday Saraakiil Shabaab ah oo ahmiyad u lahaa Mareykanka.

Captain Jennifer Dyrcz, waxa ay sheegtay in weeraradaasi lagu khaarijiyay ilaa Afar Sargaal oo ka tirsan Al-shabaab.

Captain Jennifer Dyrcz, waxa ay sheegtay in howlgalkaasi ay qeyb ka ahaayen ciidamo ka tirsan dowlada Somalia.

Captain Jennifer Dyrcz, waxa ay intaa ku dartay inay qaaden laba weerar oo ay isku difaacayeen sidaana ay ugu khaarijiyeen Afarta Sargaal ee ka tirsanaa Al-shabaab, sida ay hadalka u dhigtay.

Weerarka ayay sheegtay inuu ahaa mid ka duwan weeraradii hore, hayeeshee aysan wali ka gaarin dantii laga lahaa weerarkaasi.

Milliteriga Maraykanka waxay xilliyadii hore Diyaaradaha Droneska la beegsan jireen Saraakiisha Sarsare ee Alshabaab.

Geesta kale, weerarada qaar ayay sheegtay Mr Captain Jennifer Dyrcz inay ka gaaran dantii laga lahaa waxa ayna tusaale usoo qaadatay weerarkii ay bisha May ee la soo dhaafay ku dileen Sarkaal ka tirsanaa Al-shabaab oo magaciisa lagu sheegay C/llaahi Xaaji Daa’uud kaasi oo ay Maraykanka ku sheegeen inuu dejiyey qorshayaal weerar oo ka dhacay gudaha dalalka Somalia, Kenya iyo Uganda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com