Video: Sh Shibli: 700 oo gabdho Somali ah oo AIDS qaba ayaan ku soo arkay…

Asad Cabdullahi MataanBy Asad Cabdullahi Mataan

Nairobi (Caasimada Online) – Wadaadka caanka ah ee Soomaaliyeed Sheekh Maxamuud Sh.Maxamed oo ku magac dheer Sheekh Shible ayaa ka sheekeeyay xili uu muxaadaro jeedinayay in indhahiisa uu kusoo arkay 700 gabdho Soomaaliyeed oo qaba cudurka dilaaga ah ee HIV/AIDS.

Sheekh Shible ayaa arintan ka dhawaajiyay mar uu ka hadlayay waxyaabaha adduunyada ugu naxdin badnaa, isagoo sheegay in gabdhahaasi uu ugu meel ay Londan kaga sugnaayeen.

Gabdhahan ayuu tilmaamay in da’dooda u dhaxeyso 14 ilaa 19 sano, kuwaasi oo markii uu weydiiyay dhalashadooda ay u sheegeen in ay yihiin Jamaican, iyagoo ka faanaya Soomaalinimadii.

Halkan ka daawo Video