Waa kuma Ilyaas Gaboose, Senator-ka u guuleystay kooxda is-beddal-doonka?

Kismaayo (Caasimada Online) – Ilyaas Badal Gaboose ayaa noqday Senatorkii ugu horeeyey ee la doortay baarlamaanka 11-aad ee federaalka ah ee Soomaaliya kadib markii uu ka adkaaday Maxamed Axmed Sayid.

Ilyaas waxaa uu sidoo kale noqonayaa xubin ka tirsan isbaheysiga isbadal-doonka ee ka dhanka ah Nabad iyo Nolol.

Haddaba, waa kuma Goboose?

Ilyaas Badal Gaboose , waa shakhsi aad ugu dhow madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe,  oo in muddo ah waxaa uu ahaa la taliyaha madaxweynaha iyo gacantiisa mudig.

Waxaa uu Kismaayo ku dhashay 1963-dii, hoose dhexe waxaa uu ku bartay Kismaayo halka sare uu ku dhameeyey Xamar ilaa jaamacad ku dhigtay deeq waxbarasho.

Shaqo ahaan, dowladdii Cabdulahi Yusuf waxaa ay ka dhigtay guddoomiya Jubada hoose, waxaa uuna muddadii dambe ahaa ganacsade iyo nin weyn galangal ugu leh arrimaha siyaasadda Jubbaland iyo la taliyaha madaxweyne Madoobe.

Mar uu maanta la hadlay baaralamaanka Jubbaland waxaa uu sheegay inuu doonayo wax ka badalka nolosha iyo soo celinta qarannimada, in reer Jubbalabd dib u heshiisiin loo furo, keenista xuquuqaha ka maqan xildhibaannada Jubbaland iyo arrimaha amniga.

Waxaa sidoo kale baxay, oo markii 2-aad Senatornimo ku guuleystay Cabdullahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, oo ka tirsan isbaheysiga isbadal-doonka ee ka dhanka ah nabad iyo nolol iyo madaxweyne Farmaajo.

Waa kuma Fartaag?

Senator  Cabdullahi Fartaag oo sidoo kale Jubaland matalayey 4-tii sano ee lasoo dhaafay, kana tirsanaa baarlamaanka 10-aad ee federaalka ah, waxaa ahaa dadkii ugu cadcadaa ee mucaardka ku ahaa Farmaajo isaga oo xataa May 10, 2020-kii loo diiday inuu u safro Kismaayo.

Haddalada Senatorka waxaa ka mid ahaa” Madaxweynaha Iyo kooxdiisa iyaga ayaa isku soo koobay talada dalka.”

Senator Fartaag ayaa sidoo kale ka mid ah xisbiga uu hogaamiyo madaxweynihii hore ee dalka Xasan sheikh Maxamuud, isagoo sidoo kale ah xubin fir fircoon oo ka tirsan isbadal doonka 2021.

W/Q: Cabdicaziz Gurbiye