26 C
Mogadishu
Friday, November 14, 2025

Waa kuma ninka fuliyey weerarkii dhimashada badnaa ee kaniisadda Mareykanka?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Detroit (Caasimada Online) – Hay’adaha ammaanka ee gobolka Michigan ayaa shaaciyey in Thomas Jacob Sanford, oo 40 jir ka soo jeeda magaalada Burton ee Michigan, uu yahay ninkii looga shakisan yahay dilka afar qof iyo dhaawaca sideed kale, ka dib markii uu gaari nooca xamuulka fudud ah (pickup truck) ku dhuftay kaniisad ku taalla bartamaha gobolka Michigan dabadeedna uu rasaas furay.

Mid ka mid ah sideedda qof ee dhaawacantay ayaa xaaladdiisu ay halis tahay, halka toddobada kale ay xaaladdoodu deggan tahay, sida ay saraakiishu ku sheegeen shir jaraa’id oo ay qabteen fiidnimadii September 28.

Booliisku weli ma aysan shaacin sababta ka dambaysay toogashadan.

Boqollaal qof ayaa ka qaybgalayey cibaado ka socotay kaniisadda The Church of Jesus Christ of Latter-day Saints ee magaalada Grand Blanc, oo ah xaafad ka tirsan Flint, Michigan, markii ay mas’uuliyiintu sheegeen in eedaysanuhu uu gaarigiisa jiirsiiyey kaniisadda 10:25 subaxnimo Axaddii.

Eedaysanaha ayaa markaas gaariga ka degay wuxuuna “rasaas dhowr xabbadood ah” ku furay dadkii kaniisadda ku jiray, isagoo adeegsanaya qori darandoori u dhaca, sida uu sheegay Taliyaha Booliiska Degmada Grand Blanc, William Renye. Sanford ayaa dhintay ka dib is-rasaasayn isaga iyo saraakiishii booliiska ee goobta soo gaaray ku dhexmartay bannaanka baarkinka kaniisadda.

Waa kuwan waxyaabaha laga ogyahay Sanford:

Thomas Jacob Sanford wuxuu degganaa magaalo u dhow. Magaalada uu eedaysanuhu ka soo jeedo ee Burton waxay qiyaastii sideed mayl dhanka waqooyi ka xigtaa Grand Blanc, Michigan.

Sidoo kale, eedaysanaha waxaa dad badan oo ay is yaqaanneen ugu yeeri jireen “Jake,” sida ku cad diiwaanno iyo warbixinno hore oo saxaafadda uga soo baxay.

Askari ka soo dagaalamay Ciraaq

Wuxuu ahaa askari hore oo ka qaybgalay Dagaalkii Ciraaq oo ka tirsanaa Ciidanka Mareykanka ee U.S. Marines, sida ku cad qoraallo ay hooyadiis soo dhigtay boggeeda Facebook.

Sanford wuxuu muddooyin ka soo shaqeeyey Japan iyo Ciraaq ka dib markii uu ka qalin-jabiyey Dugsiga Sare ee Goodrich sanadkii 2003, sida lagu sheegay maqaal warbixineed oo sanadkii 2007 uu daabacay wargayska Clarkston News.

Wargaysku wuxuu xilligaas ku tilmaamay waayihiisa ciidannimo mid “aad u wanaagsan.” Wuxuu ka soo shaqeeyey Okinawa, Japan, wuxuuna ku muteystay abaalmarinno “xagga toogashada qoriga,” wuxuuna ahaa Sarjent ka hor inta aan loo dirin inuu ka soo shaqeeyo Fallujah, Ciraaq, sida uu wargaysku tebiyey.

Wargeysku wuxuu intaas ku daray inuu ahaa darawal kaxeeya gawaarida wax jiida ee loo isticmaalo in lagu qaado gawaarida burburtay.

Mid ka mid ah qoraalladaas, Sanford hooyadiis waxay soo dhigtay sawirka Sanford oo ku labisan dareeskiisa Ciidanka Marines-ka. “U mahadcelin wiilkeenna.. adeegga 2004-2008.. Askari hore oo Ciraaq ka dagaalamay!!” ayay qortay.

Maqaal kale oo sanadkii 2015 uu daabacay Lake Orion Review ayaa sidoo kale tilmaamay in Sanford uu ka tirsanaa Ciidanka Marines-ka intii u dhaxaysay 2004 iyo 2008. Sidoo kale, wuxuu muddo ka soo shaqeeyey xarun ay leedahay shirkadda Coca-Cola, sida lagu sheegay warbixinta, inkastoo aan la carabaabin nooca shaqada uu ka hayey.

Wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka ayaan ka soo jawaabin codsi uu wargeyska USA TODAY uga dalbaday xog ku saabsan diiwaanka ciidannimo ee Sanford.

Wiilkiisa oo la dagaallamay cudur naadir ah

Wiilka Sanford oo lagu magacaabo Brantlee wuxuu dhashay qiyaastii toban sano ka hor isagoo qaba xaalad caafimaad oo naadir ah oo lagu magacaabo hyperinulinism, taasoo heerarka sare ee insulin-tu ay kordhiyaan halista dhibaatooyin dhanka maskaxda ah.

Dhakhaatiirtu way awoodi waayeen inay cudurka ka helaan, waxaana qoysku la kulmay caqabado is-daba-joog ah oo ay xal u waayeen.

“Waxaan ogaanay in Brantlee uu dhibaatooyin qabay wax yar ka dib dhalashadiisii,” ayuu yiri Sanford waraysi uu bixiyey sanadkii 2016 oo uu kaga hadlayey waayo-aragnimadooda. “Arrintu waxay noo ahayd riyo argagax leh. Waxaan si tartiib tartiib ah u ogaanaynay in Brantlee uusan ahayn ilmo caadi ah oo dhicis ku dhashay.”

Arrimuhu sidaas ayay ahaayeen ilaa maalin ay heleen telefoon beddelay saadaashii xaaladdiisa.

“Walaashay waxay ii soo dirtay warside ka soo baxay isbitaal carruureed oo ku yaalla Texas oo lagu magacaabo Cook Children’s. Anigoo sugaya in mucjiso dhacdo, ayaan email u diray qoraagii maqaalkan ka qoray cudurka hyperinsulinism-ka ee lagu dhasho,” ayuu yiri Sanford.

Mid ka mid ah dhakhaatiirta ayaa qoyska soo wacay. Sanford iyo xaaskiisa Tella, iyagoo wata ilmahooda, waxay u safreen xarunta Cook Children’s Congenital Hyperinsulinism Center iyo barnaamijka Endocrine Diabetes ee Texas, taasoo ka mid ah xarumo yar oo dalka ku yaalla oo cudurkaas lagu daweeyo.

Baarayaasha waxay baari doonaan guriga iyo diiwaannada taleefanka Sanford si ay u raadiyaan sababta ka dambaysay weerarka.

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa qoraal uu soo dhigay barta Truth Social ku sheegay in weerarkani “uu u muuqdo mid kale oo si gaar ah loogu beegsaday Masiixiyiinta ku nool Maraykanka,” isaga oo intaas ku daray in FBI-du ay goobta joogto. “Caabuqaan rabshadaha ah ee dalkeena ku habsaday waa in uu halkan ku ekaado, si deg deg ah!” ayuu yiri.

- Advertisement -

Read more

Local News