Waa kuwee 8-da magaalo ee uu Farmaajo doonayo inuu doorashada ka billaabo?

Muqdisho (Caasimadda Online) – Iyadoo uu weli taagan yahay khilaafka doorashada Soomaaliya ee 2021 ayaa waxaa soo baxayo xog ku saabsan sideed Magaalo oo uu madaxweyne Farmaajo doonayo inuu ka bilaabo doorashada aqalka sare iyo midda aqalka hoose.

Sida ay xogta ku heleyso shabakadda Caasimada Online, madaxweyne Farmaajo ayaa qorsheenayo inuu si deg deg ah howlaha doorashada laba Aqal uga billaabo 8 magaalo oo ku kala yaalo maamulada Koonfur Galbeed, HirShabelle, Galmudug iyo Gobolka Banaadir.

Magaalooyinka la filayo in doorashada uu ku qabto Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kala ah:

  1. Dhuusamareeb
  2. Galkacyo
  3. Jowhar
  4. Baladweyne
  5. Baydhabo
  6. Baraawe
  7. Banaadir
  8. iyo Gedo.

Arritan ah in doorashada la guda galo ayaa imaaneysa saddex maalin uun kadib markii madaxa fulinta ee xukuumadda Maxamed Xuseen Rooble uu sheegay iney shadaqa socon-doonto.

Shir jaraaid uu 9-kii bishan qabtay ra’iisalwasaaraha ayaa lagu yiri “Xukuumadda federaalka waxaa ay go’aansatay in la gudagalo hirgelinta doorashooyinka si aan waqti kale looga lumin shacabka Soomaaliyeed, loogana fogaado wax weliba oo carqaladeyn kara fulinta heshiiskii dorashada lagu gaaray magaalada Muqdisho 17-kii Setembar 2020.”

Go’aanka kasoo baxay Xukuumadda ayaa waxaa ka hor yimid midowga Musharixiinta oo sheegay in arrintaan ay dalka u horseedi karto dhibaato siyaasadeed.

Madaxweyne Farmaajo ayaa u muuqdo inuu ka dhaga adeegayo baaqyada uga imaanayo musharixiinta mucaaradka iyo madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland ee ah in dalka ay ka dhacdo doorasho loo dhan yahay.