Waa natiijo wanaagsan in xiriir uu dhex maro Israel iyo Soomaaliya (Faallo)

Wakhtiyadan dambe waxaa uu adduunku isu beddelay mid ay xoogaystaan is-baahaysiga siyaasaddeed iyo midka dhaqaale, waxa intaas sii dheer in qaar ka mid ah is baahaysiyadu ay noqdeen kuwo qarsoodi ah sababo la xadhiidha tix-gelinta cilaaqaadka waddamo soo jiray, oo waddamada qaarkood oo saaxiibbo ah ayaa u kala dhuunta waddamo si uusan saxiibkiis uuga xumaan xidhiidhka uu la sameeyay waddan aysan hore uula ahayn hishiis labadooduba.

Dabo-marka xulafaysiga siyaasaddeed waa kuwo aay inta badan caan ku noqdeen waddamada carbeed oo siday u kala dhuumanayeen uugu dambayn heer gaadhay in ay hal miis isugu tagaan dhowar waddan oo carbeed oo midkoodba midka kale ka dhuumanaayay. 

Hayaanka siyaasaddeed ee loo kala dhuumanaayo ayaa ku wajahan waddanka “Israel” oo ay muddo ka hor carabtu isku Af-garteen in aan wax xidhiidh ah waddankaas lala samayn, ka dib guhaadintii ummadda reer “Falastiin” ee ay israel kula kacday. 

Waxaa cad oo aan shaki ku jirin in waddamada carabta kuwooda uugu tunka-weyni daaha dabatiisa ay Israel kala xaajoodaan arrimohooda amni iyo dhaqaale, kuwaas oo Afka ciidda u soo marsada waddamadii yaryaraa ee ay ku midaysnaayeen magaca “Midowga Carabta” oo ay isaga dhigaan kuwo aan aduunkaba ku lahayn cadow aan ahayn Israel. 

Siyaasaddan been-guurista ah ayaa lugu sifayn karaa in ay waddamadaasi dusha saarteen taaj aan ceeb lahayn, oo isku sifiyeeyay kuwo markasta addeecsan dawladda Israel, Dhagar-qabayaalna ay ka dhigeen waddamada yar yar ee ay hoggaanka u hayaan. 

Bilowgii sannadkan 2019 bishii January, ayay ahayd markii madaxda sadexda waddan ee Sucuudi, Immaarad iyo masar ay kulan qarsoodi ah la yeesheen madaxa hay’adda sirdoonka mossad ee Israel ninka lugu magacaabo “ yossi cohan” kulankan oo ahaa mid laba mar ka kala dhacay magalada Riyaad iyo Dubay ayaa la sheegay in ay kaga xaajoodeen sidii ay u wajihilahayeen waddanka turkiga iyo weliba Arrimo kale oo aan la shaacin, waa sida uu qoray wargeeyska “ the Middle East Eye”

Waxa kale oo jira xidhiidho aan qarsoonnayn oo ay waddamada carabta kuwooda uugu tunka-weyni kaga helaan tageero waddanka Israel dhinaca amniga, go’aaminta talooyinka dhaqaalaha iyo midda siyasaddeedba.  Waana sababta ay inta badan ay waddamadaasi la taliyaayaal sarsare uuga dhigtaan khubaro ka soo jeeda Israel, kuwaas oo inta badan ah kuwo la qariyo, qarkoodna laga dhigo kuwo aan shaqo ku lahayn. 

Dhowaan ayay ahayd markii ninka Yuuhuudiga ah ee la taliyaha dhinaca siyaasadda u ah boqorka baxrayn uu daaha ka qaaday in ay jiraan isu dhowaansho weeyn oo ka dhexaysa waddamada carabta qaarkood, isaga oo farta ku fiiqay waddanka Sucuudiga. Ninkan oo lugu magcaabo “meccharran” la taliyena u ah boqorka baxrayn waxa uu sheegay in waddamadaasi ay danaynayaan is kaashi dhex marara iyaga iyo Israel kaas oo ku qotoma dhinacyada dhaqaalaha iyo weliba amniga. 

Bishii December 2017 ayay ahayd markii uu Ra’isal wasaraha Israel ee Netenyahu uu damcay in uu kulan la yeesho madaxwaynaha Soomaaliya Farmaajo oo markaas ku sugnaa magaalada Nairobi, Kenya oo markaa uu shir uuga socday madaxda waddamada Afrika, balse uugu dambayn uu madaxweyne farmaajo diiday kulankaas. 

Haddaba iyada oo ay jiraan intaas oo wada shaqayn oo daaha dabadiisa ah, soomaliyana ay ka mid tahay waddamada sida cad uuga soo hor-jeeda jiritaanka iyo xidhiidhka Israel waxaan u arkaa in ay tahay midda keliya ee maanta u baahan in dib looga laabto, lana eego xidhiidh la samaysashada Israel dhinacyada amniga iyo weliba dhaqaalaha. 

Markaad eegto dhinaca war-doonka iyo weliba qaybaha kale ee awooddaha ciidamada, waxa ay israel ka mid tahay waddamada uugu horreeya wakhtigan, waana sababta keentay in ay carrabi u kala dhuumato. 

Israel ayaa iyada naftigeedu u aragta xidhiidhka soomaliya in uu u noqonkaro guul weeyn oo ay gaadhto, taas oo ka dhiganaysa natiijadii uugu dambaysay ee ay ka gaadhto Geeska Africa, waana fursad ay gaadhtay oo u noqnaysa mid ay kula tartanto quwadaha ku hirdaamaaya geeskan Africa. 

Dhanka kale Soomaaliya oo la taabalaysan dagaallo ma hadhto ah uuna baahan gacan ka run sheegta nabad soo dabbaalidda soomaliya, waxaan dhihikarnaa Israel oo lala sameeya is kaashi dhinaca sirdoonka iyo ciidanka ah waa midda keliya oo xaqiijinkarta in meesha laga saaro sheekeeda ay wadaan waddamo badan oo ah “qawda maqashii waxna ha u qaban” 

Aniga oo og in soomalida inteeda badan ay u arkaan wax aan caqliga gelin ama ah mucjiso aan la arag in xidhiidh lala sameeyo Israel, haddana waa mid aad u fudud weliba ayna Israel naftigeedu muddo gambadh gaaban uugu fadhiday siday xidhiidh uula yeelanlahayd Soomaaliya. 

Haddii aynu taakulo uuga helno dhinacayada tababarrada noocyada ciidamada kala duwan iyo qalabayntooda oo ay ku lammaantahay ka qayb-qaadashada soo Af-jarista Al-Shabaab waa mid inoo ah guul aan la dhayalsankarin. 

Waxa aynu joognaa wakhtigii aynu eegan lahayn danteenna soomaliyeednimo innaga oo aan marnaba cid u sacabtumayn, waxana la jooga wakhtigii ay danta soomaliya noqonlahayd in la eego meesha ay dani uugu jirto uun. 

Waa muhiim in xidhiidh lala sameeyo cidkasta oo aynu ka aragno danteenna. 

W/Q: Cumar Rodol.
Cumarrodol@gmail.com 

Hyderabad, India