Waa sidee xaalada guud ee magaalada Dhuusamareeb?

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Xaalad deganaasho ah ayaa saaka laga dareemayaa magaalada Dhuusamareeb, kadib dagaallo shalay ku dhex-maray ciidamada Galmudug oo garab kal helaya kuwa dowladda iyo Xoogga Ahlu Sunn oo soo weeraray.

Wararka ayaa sheegaya in qoysaskii ka barakacay Dhuusamareeb ay haatan bilaabeen inay dib ugu soo laabtaan guryahooda, walow saameynta dagaalka laga dareemayo halkaasi.

Dhaq-dhaqaaqa dadka iyo gaadiidka ayaa sidoo kale yar, waxaana magaalada weli laga dareemayaa cabsi la xiriirta in markale ay ku dagaalamaaan labada dhinac.

Galmudug ayaa dhankeeda ku dhowaaqday inay gacanta ku hayso magaalada oo dhan halka  Ahlu Sunna aynsan weli wax war ah ka soo saarin dagaalkaasi.

Sidoo kale wararkii ugu dambeeyey ayaa sheegaya in haatan xoogaga Ahlu Sunna ay ku sugan yihiin deegaan lagu magacaabo Sangoy oo u dhow Dhuusamareeb, sidoo kalana kaabiga deegaanka Bohol oo ah halkii ay horey ugu sugnaayeen ciidamada Ahlu Sunna.

Dagaalladan ayaa kusoo aaday, iyadoo Madaxweynaha Galmudug iyo kuxigeenkiisa ay labaduba ku suganyihiin magaalada Muqdisho, halkaas oo ay qeyb ka yihiin ololaha doorashada madaxweynaha  Soomaaliya oo dhici doonta maalinta beri ee ah 15-ka May.

Si kastaba, Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa dhammaadkii bishii October ee hore 2021-kii dagaal culus looga saaray degmada Guriceel oo ay muddo kooban haysteen.