WAARE oo kashifay xaqiiq dadka ka qarsaneyd oo la xiriirta madax goboledyada

Jowhar (Caasimada Online) – Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa ka soo horjeestay go’aamadii u dambeeyay iyo shirarka Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada ku yeesheen magaalada Nairobi, kaasoo ay la qaateen Beesha Caalamka.

War murtiyeed ka soo baxay Madaxtooyada Hirshabeelle ayaa lagu sheegay in go’aan kasta oo ka soo baxa shirarka Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada oo aysan qeyb ka aheyn Hirshabeelle uu yahay mid sharci darro ah.

“dowlad goboleedka Hirshabeelle waxay ka soo horjeestaa wax kasta oo baal marsan hadafkii loo aas aasay Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Madaxtooyada Hirshabeelle.

Halkaan hoose ka akhriso

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com