Wafdi caalami ah oo tegaya Dhuusamareeb + Ujeedka

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wufuud heer caalami ah ayaa maanta lagu wadaa inay gaaraan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.

Xubnahani oo ka socda ururo iyo dalalka daneeya arrimaha Soomaaliya ayaa saacadaha soo socda tagi doono gudaha magaaladaasi.

Sida aan wararka ku helnay waxaa xubnahaasi ay ka kal socdaan Qaramada Midoobay, Midowga Africa, IGAD dalalka Mareykanka, Qatar, Britain, Talyaaniga, Turkiga, Norway, Jermalka, Ethiopia, Jabuuti iyo wadamada kale.

Ujeedada socdaalkooda ayaa ah sidii ay ugu qeyb qaadan lahayeen dib u dhiska dowlad goboleedka Galmudug.

Xubnahani ayaa sidoo kale la filayaa in ay kulamo la qaataan Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo madaxda Galmdug ee ku sugan Caasimada maamulkaasi ee Dhuusamareeb.

Ammaanka ayaa aad loo adkeeyey, iyadoo qaban qaabo iyo soo dhaweyn loogu jiro wafdigan laga dareemayo halkaasi.

Dhawaan ayaa la filayaa in Dhuusamareeb lagu qabto shirka dib u hesiisiinta iyo doorashada dowlad goboleedka Galmudug.

Caasimada Online
Xafiiska Dhuusamareeb
caasimada@live.com