Wafti culus oo ka socda Midowga Yurub iyo UK oo tagay Hargeysa + Sawirro

Hargeysa (Caasimada Online) ― Wafdi ballaadhan oo ka socda Midowga Yurub iyo UK ayaa maanta soo gaadhay magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland.

Wafdigan ayaa waxa madaarka Cigaal International kusoo dhaweeyay Wasiirka Arrimaha Dibada Iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland.

Wasiirada ayaa ku qaabilay Wafdigan yimid Somaliland oo tiradoodu dhameyd 18-xubnood,  qaybta VIP-da ee madaarka Cigal International Airport, iyadoo loo sii gudbiyey oo la dajiyey Hotel Ambasador.

Wafdigana ayaa waxay kulamo la qaadan doona Madaxda ugu sareysa Somaliland, iyagoo kulan gaara la qaadan doona Madaxweynaha Somaliland.

Dhinaca kale, Wafdigan ayaa Sidoo kale kulamo la yeelan doona Xisbiyada Somaliland, kuwaasi oo isku fahmi waayey hanaanka loo galayo doorashooyinka Somaliland.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com