Muqdisho (Caasimadda Online) – Xarunta Xalane ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka dhacay kulan deg deg ah kaasoo looga hadlayey xaaladda ammaanka iyo waxa iska badalay qorshaha dhismaha ciidamada qaranka, waxaana shirkaas ka qeybgalay dowladoo shisheeye.
Dalalka amni ahaan taageero dowladda Soomaaliya ayaa kasoo muuqday shirkaas, waxaana kamid ahaa dowladaha ka qeyb galay Ingiriiska, Imaaraadka iyo dowladda Mareekanka.
Dhanka Soomaaliya waxaa shirkaas uga qeybgalay la-taliyaha madaxweynaha Soomaaliya Xuseen Macalin Maxamed oo warbixin ka siiyey beesha caalamka mooshinka laga geenay Baarlamaanka arrinta ku aadan qorshaha amniga qaranka Soomaaliya oo ay ku heshiiyeen dowladda iyo Maamul Goboleedyada.
Wakiilka Q/Midoobay ee Soomaaliya Micheal Keating ayaa ahaa shir guddoomiyaha kulankaan, waxayna beesha caalamka cabsi weyn ka qabtay in Baarlamaanka Soomaaliya caqabad ku noqdaan qorshahaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

