Hargeysa (Caasimada Online) – Idiris Aadan Raage oo ahaa wakiilka Somaliland u fadhiyay dalka Yemen ayaa laga soo masaafuriyay dalkaasi, kadib in ka badan laba bilood oo uu ku xirnaa xabsi ku yaalla magaalada Cadan.
Sida ay xaqiijiyeen ilo Yemeni ah, Idiris ayaa si toos ah loo masaafuriyay markii laga sii daayay xabsiga, waxaana laga dhoofiyay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Cadan, iyadoo loo diray meel ka baxsan Yemen.
Mas’uuliyiinta Yemen ayaan weli si rasmi ah u shaacin sababta rasmiga ah ee ka dambeysa xarigga iyo masaafurinta wakiilka Somaliland, mana jirto wax war ah oo ay ka soo saareen hay’adaha ammaanka ee dalkaasi.
Idiris Aadan Raage ayaa la xiray 13-kii June 2026, kadib howlgal ay ciidamada ammaanka ee magaalada Cadan ka fuliyeen xafiiska wakiillada ganacsiga Somaliland ee ku yaalla degmada Khormaksar.
Wararka ayaa sheegaya in xariggiisa lala xiriirinayo munaasabad uu abaabulay oo lagu xusayay 18-ka May, taas oo la sheegay inay qabsoontay iyadoo aan la helin oggolaanshaha lagama maarmaanka ah ee maamulka Yemen.
Mudadii uu xirnaa, ma jirin wax faahfaahin rasmi ah oo laga bixiyay xaaladdiisa ama eedeymaha loo haystay, taasoo dhalisay su’aalo ku saabsan sababaha dhabta ah ee tallaabadaasi.
Tallaabada dowladda Yemen ka qaaday Idiris Aadan Raage ayaa ku soo beegmeysa xilli uu sii xoogeysanayo xiriirka Somaliland iyo Israa’iil, iyadoo Madaxweynaha Somaliland uu dhowaan safar ku tegay Israa’iil, halkaas oo uu magaalada Qudus ka furay xafiis uu ku tilmaamay safaaradda Somaliland ee Israa’iil.

