Walaac laga qabo in xubno Al-Shabab ah ay maamulka Galmudug ka mid noqdaan

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha gudaha Galmudug, Duraan Maxamed Samatar ayaa faah faahin ka bixiyey shir ay xalay gudaha magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud ku yeesheen golaha wasiirada mamaulkaasi.

Shirka ayaa waxaa guddoomiyey madaxa xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, iyadoona diirada lagu saaray amniga iyo shirka dib u heshiisiinta ee dhowaan la filayo inuu ka furmo gudaha magaaladaasi.

Wasiir Duraan ayaa sheegay inay walaac xoogan ka qabaan qabsoomida shirkaasi oo muhiim u ah Galmudug oo loo dhan yahay.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in qaar ka mid ah ergooyinka shirka dib u heshiisiinta ay tageen deegaanada Al-Shabaab, isla markaana ay ka walaacsan yihiin in xubno la shaqeeya Al-Shabaab ay ka mid noqdaan Galmudug, sida uu hadalka u digay.

Ugu dambeyn Duraan Maxamed ayaa tilmaamay in si weyn looga hadlay dib u dhac uu sheegay inuu ka jira amniga magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada maamulka Galmudug

Halkan hoose ka dhageyso codka.

Caasimada Online
Xafiiska Dhuusamareeb
caasimada@live.com