WAR-CULUS: 60 Al-Shabab ah oo laga war helay inay joogaan gudaha Britain

London (Caasimada Online) – Ku dhawaad 60 ka tirsan Al-shabaab ayaa la ogaday inay joogaan  dalka Ingiriiska kuwaas oo laga baqanayo inay weeraro la mid ah kii Westgate ka geystaan dalkaas, sida ay sheegtay hey’ada MI5 ee dalkaas.

Waxay sheeggtay Hey’ay inay guud ahaan lamaha amniga ku wargaliyeen arintan iyo in ragaas ay doonayaan weeraro argagisixnimo oo dalkaas ka geystaan , kadib markii todobaadkii an kasoo gudubnay ay weerareen kenya oo Somalia daris la ah.

Marka loo eego laamaha amaanka dalkaasi dadkaasi gaaraya 60 ruux ayaa la sheegay 40 kamid ah ay yihiin Somali loo malaynayo inay ka tirsan yihiin Alshabaab, halka 20 kale ay yihiin dad u dhashay dalkaasi.

Warkaan kasoo baxay hayada ayaa kusoo aaday markii wasaarada arimaha dibada Ingiriiska ay xaqiijisay in lix muwaadin oo u dhalatay dalkaasi ay kamid ahaayeen 67 ruux oo ku dhimatay weerarkii Westgate Mall ee magaalada Nairobi.

“Badankood 70,000 oo shacabka Somalia ee ku sugan London waa daacad oo nabada ayay jecel yihiin, laakiin waxaa jiro tiro yar kuwaasi oo laga yaabo inay ku biiraan Alshabaab”ayaa lagu yiri war kasoo baxay laamaha amaanka Uk.

Soomaaliyada ku nool dalk kenya iyo guud ahaan dalalka africa ayaa muujinaya walaac ku adan in weerarkaas uu saameyn ku yeesho iyaga kadib markii mas’uuliyada weerarka ay Al-shabaab sheegteen.

Dowladaha  caalamka oo ay ka mid tahay Dowlada Ingiriiska ayaa cabsi xoogan ka qaba in Al-shabaab weerar  la mi ah kan kenya ay ku qaadaan , waxaana muuqanaya in walaacii weerarka Westgate uu wali yahay mid taagan.

Caasimada Online
Xafiiska London
Caasimada@live.com