Ethiopia oo la wareegeyso amniga mid ka mid ah gobolada Somalia

Garbahaareey (Caasimada online) Ciidamada Ethiopia ee ku sugan gobolka Gedo, ayaa maanta waxay si rasmi waxay u shaaciyeen inay la wareegayaan guud ahaan gobolkaas , iyadoona ciidamada ururka ahlu sunna iyo kuwa dowladana laga saarayo.

Kadib kulan ay wada qaaten saraakiisha ciidamada dowlada Soomaaliya, Kuwa ururka ahlu sunna iyo waliba kuwo ka socda ciidamada Ethiopia ayaa waxaa la isku af gartay in gabi ahaan gobolkaas laga saaro ciidama Soomaalida ah isla-markaana lagu wareejiyo ciidamada Ethiopia.

Sababta  la wareegitaanka ciidamada Ethiopia ayaa waxa lagu micneeyay in xaalka amni ee gobolkaas inuu faraha kasii baxayo ayna kusoo kordhayaan dilalka loo geysanayo dadka shacabka ah si arintaas wax looga qabtana ay waajib tahay in cil waliba oo wax ka qaban karta loo dhiibo  hogaanka iyo xaqiijinta dhanka amniga ee Gobolka.

Saraakiil  ka socota ciidamada Ethiopia, ayaa maanta waxay gaareeen degmada Balad xaawo ee gobolka Gedo Si ay halkaas ugala wareegaan ciidamada dowlada iyo kuwa ahlu sunna .

Deegaanada Dooloow iyo Luuq ayay hore ugu sugnaayeen ciidamada ethiopianka ah , iyagoona si aad ah u adkeeyay amniga degaanadaas .

Deegaano ka mid ah gobolka waxaa la wareegay ciidamo ka tirsan Ururka al-shabaab kuwaas oo dagaal kala soo horjeeda dowlada Soomaaliya iyo dhinacyada taageeraya.

Caasimada online

Xafiiska garbahaareey

Caasimada@live.com