Karachi (Caasimada Online) – Diyaarad gaar ah oo sidday maydadka badmaaxiintii u dhashay dalka Pakistaan iyo kuwa dhaawaca ah ayaa maanta oo Axad ah ka degtay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Jinnah ee magaalada Karachi.
Diyaaradda ayaa sidday meydadka saddex badmaax oo Pakistani ah iyo afar shaqaale ah oo ku dhaawacmay markabka MT Honour 25, kadib markii ay kooxdu rasaas ku furtay, xilli ay markabka ku dhawaadeen ciidamada badda Puntland oo howlgal ku qaaday burcadbadeedda.
Maydadka saddex badmaaxi ee dib loogu celiyay dalkooda ayaa kala ah; Rafiullah Khan, Syed Kashif Umer iyo Mahmood Ahmad Ansari, halka afarta dhaawaca ah ay kala yihiin; Usman Ghani, Aqeel Khan, Ameen bin Shams iyo Yasir Khan.
Tallaabadan ayaa timid kaddib markii ehellada marxuumiinta iyo dowladda Pakistan ay si rasmi ah u dalbadeen in meydadka lagu soo celiyo Pakistan, halkaas oo maalmaha soo socda aas loogu sameyn doono.
Markabka MT Honour 25 oo ka diiwaangashan Palau ayaa 21-kii April lagu afduubtay xeebaha Puntland, xilli ay saarnaayeen 17 shaqaale ah, oo 10 ka mid ah ay ahaayeen Pakistani, kuwaas oo saddex kamid ah ay geeriyoodeen, kuwaas maanta maydadkooda laga dajiyay dalkaasi.
Markabka ayaa xiliga la afduubanayay ku sugnaa qiyaastii 30 mayl-badeed meel u jirta xeebaha Puntland, iyadoo maalmo badan ay haysteen kooxaha burcadbadeedda Soomaalida.
Si kastaba, waxaa haatan ay Puntland gacanta ku haysaa 16 kamid burcadbadeeddii afduubatay markabka, kuwaas oo lagu qabtay howlgalkii ay qaadeen ciidamada maamulkaas.

