QARAXYO Ismiidaamin ah oo goordhow lagu weeraray CID

Muqdisho (Caasimada Online) –  Dagaalamayaal ka tirsan Alshabaab ayaa waxay goor dhow weerar Isqarxin leh la beegsadeen Xarunta Dhexe ee Dembi-baarista Boliska (CID) oo ku taalla agagaarka Isgoyska KM4 ee magaalladdan Muqdisho.

Ugu yaraan labo qarax oo waa weyn oo midi Isqarxin ahaa iyo rasaas muddo kooban socotay ayaa laga maqlayey Dhsimaha CID-da, waxayna Koox ka tirsan Alshabaab gudaha u suurto-gashay inay xoog ku galaan Xaruntaasi.

Ilo-wareedyo ayaa u xaaqiijiyey Caasimadda Online inay Alshabaab haystaan Dhismaha CID-da, iyadoo aan la ogeyn xaalladda ay ku sugan yihiin Saraakiisha iyo Askarta CID-da ee uu dagaalku halkaasi ku qabsaday.

Goobjoogayaal ayaa sheegay inay Alshabaab adeegsadeen Qaraxyo, ka hor intaysan gudaha u gelin iyagoo tacshiirad ku furay Dhismahaasi.

Ciiddamo gurmad ah ayaa haatan isku gedaamay Xarunta CID-da si ay Alshabaabka uga saaraan Dhismahaasi, waxaana la maqlayaa rasaas xooggan.

Qorshaha Alshabaab ku weerareen Xaruntaasi ayaa la tilmaamay inuu ahaa sidii ay xoog ugu soo furan lahaayeen Saraakiil Alshabaab oo ku xirnaa Xabsiga CID.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com