25.8 C
Mogadishu
Friday, November 14, 2025

Warar cusub oo ka soo kordhay wada-hadallada Addis Ababa iyo DF oo soo bandhigtay qodobo cusub oo yaab leh

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Addis Ababa (Caasimada Online) – Waxaa maalintii afaraad ka socda magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia shirka dowladda Soomaaliya iyo mid ka mid ah garabyada isku haya magaalada Kismaayo kaasoo ah Axmed Maxamed Islaam.

Shirkan sida qorshaha uu ahaa waxaa lagu waday in uu soo dhammaado shaley, balse waxaa markii ugu dambeeyay oo heshiiska la kala saxiixi lahaa kala booday dhinacyada ku shiraya Addis Ababa.

Taasi waxa ay keentay in dib loo dhiigo heshiiska labada dhinac, waxaana sii socda kulamo kale oo looga hadlaayo wax yaabaha soo kordhay.

Maxaa soo kordhay?

Wax yaabaha soo kordhay waxaa ka mid ah in ergada dowladda ay ku dhawaaqeen in ay ka laabteen qaar kamid ah qoddobada lagu heshiiyay kaddib markii eedeen uga timid dhinaca Muqdisho iyo dowladda Soomaliya.

Qoddobada la isku hayo waxaa ka mid ah madaxweyanaha maamulka Jubbland iyo magaca maamulkaas, waxaa dib u dhaca shirka aad uga niyad jabay wakiilo ka socda IGAD, QM, Midowga Yurub iyo diblumaasiyiin kale oo shirka goobjoog ka ah.

Dowladda oo qoddobo ku dhaggan, Maxay yihiin?

Dowladda waxa ay soo jeedisay in gabi ahaan la badelo maamulka Jubbaland, maadama maamulkaas aan lagu mideysneyn, waxaana ay soo jeediyeen in lagu bedalo magacyada Juba region ama Juba Interim Administration oo ah (Maamul Ku-meel gaar ah), halka Axmed Madoobe iyo xulafadiisa ay ku dhaggan yihiin Jubaland State.

Markii ay soo baxeen wararka ku saabsan in lagu kala booday shirka, waxaa kulan degdeg ah yeeshay wasiirka arrimaha dibedda Ethiopia, iyo ergada ka socota dowladda Soomaaliya iyo maamulka Axmed Madoobe.

Kulankaas waxaa dhinaca dowladda uga qaybgalay Wasiiru dowlaha madaxtooyada iyo danjiraha Soomaaliya u fadhiya London Cabdulaahi Sambaloolshe, halka dhinaca Axmed Madoobe ay u joogeen kulankan gaarka ah, Axmed Maxamed Islaam iyo ku-xigeenkiisa Gen: Cabdulaahi Ismaacil Fartaag.

Si kastaba, waxa ay arrintan keentay in IGAD iyo beesa caalamka ay faragalin ku sameeyaan labada dhinac si loo soo afjaro is-marin waaga soo cusboonaaday.

Wixii ku soo kordha Warkan kala soco Shabakada Caasimada Online, oo ah warbaahinta ugu horeysa ee helidda xogta wada-hadallada

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Addis Ababa

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News