Ciidamada uu hogaaminayo CAANOOD oo talaabo dheeri ah ka sameeyay Marko

Afgooye (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa howlgalo ay ciidamada uu hoggaaminaayo Abaanduulihii hore ee ciidanka milateriga ee Soomaaliya Jeneraal Cabdulaahi Cali Caanood ay kawadaan magaalada Marko ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Wararku waxa ay sheegayaan in ciidamada ay burburiyeen Saldhigyo ay lahaayen Alshabaab kuwaa oo isugu jira kuwa lagu tababaro dhalinyarada iyo kuwo kale oo laga qaadi jiray duulaanka.

Ciidamada oo howlgalada gaarsiiyay duleedka magaalada Marko ayaa sidoo kale banaanka usoo saaray Qaraxyo ay maleeshiyada ku aaseen dhulka kuwaa oo loogu tallo galay in lagu qarxiyo gaadiidka dagaalka oo ay isticmaalayaan ciidamada.

Saraakiisha hogaamineysa ciidamada ayaa sheegay inay nolosha ku qabteen Alshabaab farabadan oo ay ku jiraan Saraakiil iyo dagaalamayaal baxsad ka ahaa howlgalada ay wadaan ciidamada.

Waxa ay sheegen inay gacanta ku dhigeen hub ay isticmaalayeen maleeshiyaadka ka cararay Saldhigyada ay burburiyeen ciidamada dowlada.

Sidoo kale, Saraakiisha ayaa tilmaamay in howlgalada ay gaarsiin doonaan deegaano dhowr ah oo la sheegay inay ku dhuumaleysanayaan Alshabaabka ka cararay magaalada Marko.

Geesta kale, Alshabaabka ka baxay qeybo kamid ah magaalada Marko ayaa saldhigtay deegaano duleedka ah magaalada Marko oo aan wali gaarin howlgalka.

Caasimada Online

Xafiiska Afgooye

Caasimada@live.com