Tacis (Caasimada Online) – Dagaallo xooggan oo u dhexeeya ciidamada dowladda Yemen iyo Asarullah Al-Xuuti ayaa saacadahii ugu dambeeyay ee maanta ka dhacay magaalada Tacis oo dhacda koonfur-galbeed Yemen, kuwaas sababay dhimashada tobonaan qof.
Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo dalka Yemen ayaa sheegaya in 24kii saac ee ugu dambeeyay dhimashada labada dhinac ay gaartay ugu yaraan 76 qof, sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo ka tirsan labada dhinac oo la hadlay wakaaladda wararka ee AFP.
Ilo wareedyada ayaa sheegay in dagaalka uu ka socdo dhowr jiho oo ku yaal agagaarka magaalada Tacis, iyadoo Xuutiyiinta ay doonayaan inay gacanta ku dhigaan magaalada oo weli ay maamuleyso dowladda uu sucuudiga taageero.
Saraakiil militari oo ka tirsan dowladda Yemen ayaa dhankooda u sheegay AFP in Xuutiyiintu ay qarxiyeen buundo yar oo ku taal waddada kaliya ee isku xirta Tacis iyo Cadan, oo ah xarunta dowladda ku meel gaarka ah ee Yemen, taas oo keentay in gaadiidka u kala goosha labada magaalo ay istaagaan, waxayna saameyn ku yeelatay ciidamada dowlada oo go’doon ku ah Tacis.
Sidoo kale, go’taanka wadadan ayaa horseedaya inay adkaato in sahay la gaarsiiyo ciidamada dowlada, waana sida ay doonayaan kooxda uutiyiinta.
Dhanka kale, bayaan ay soo saareen ciidamada dowladda Yemen ayaa lagu sheegay inay qaadeen 474 duqeymood oo dhanka cirka ah oo lagu beegsaday goobaha dagaalka ee ay ku sugan yihiin maleeshiyaadka Xuutiyiinta, kuwaas oo dhacay 24-kii saacadood ee la soo dhaafay.
Duqeymaha ugu badan ee ay qaadayaan Sucuudiga ayaa laga fuliyaa aag magaalada Tacis oo ay ka dagaalamayaan Xuutiyiinta si culeyska weerarka uu ugu yaraada ciidmada dowlada, haseyeeshee taasi waxba kama badalin Xuutuyiinta, waxaana muuqata inay horumar ka sameynayaan goobaha dagaalka waloow magaala Tacis maalmo badan la isku horfadhiya.

