Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalkii Somaliland iyo Puntland + Shirqool la ogaaday

Hargeysa (Caasimada Online) ― Xukuumada Somaliland oo uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi ayaa maanta markale ka hadashay dagaal shalay degmada Hadaaftinimo ee gobolka Sanaag ku dhex-maray ciidamadeeda iyo kuwa maamulka Puntland.

Wasiirka Cadaalada Somaliland, Cabdirisaaq Cali Cabdi ayaa sheegay in ciidamada Somaliland ay khasaare ba’an gaadhsiiyen ciidamada Puntland oo uu sheegay inay dagaal ku soo qaadeen gudoomiyaha gobolka Badhan, Badhan Maxamuud Xaamud Cumar.

Wasiirka ayaa sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyey in ciidamada Somaliland ay dileen Taliyihii watay ciidanka Puntland ee jid-gooyada iyo weerarka ku soo qaaday Gudoomiyaha Badhan.

Wasiirka Cadaalada Somaliland oo dagaalkaasi ka warbixinayay, ayaa wuxuu xusay in madaxweyne Deni uu shirqool u maleegayo madaxda Somaliland, isla markaana uu dabin ahaa wada-hadalkii uu ku baaqay, wuxuuna yiri

“Qolo qowlaysata oo ka tirsan maamulka Puntland ayaa si dhuumasho ah waxay usoo dhaafeen ciidamada qaranka Somaliland ee jooga gobolka Badhan iyo hareeraheeda, iyagoona ka soo dusay meel dhulak buuraleyda markii ay ka war heleen in gudoomiyihii si fiican loo soo dhaweeyay”.

“Waxayna gudoomiyaha u galeen meel la yiraahdo Karin-duushay oo hadaaftimo iyo badhan u dhaxeysa, kadib markuu ka tagay magaalada, waxbana kamay faa’iidin khasaare weyn ayaa ka soo gaaray, jab baa kasoo gaadhay oo dhibaato weyn bay kala kulmeen, waxaana halkaa ku dhintay Taliyihii ciidankaa watay ee Puntland waxana ku dhaawacmay ku-xigeenkiisi waxayna qaateen dhaawac badan”.

Wuxuuna intaas kusii daray “Deni wuxuu lahaa wada-hadal ban la fureyna Somaliland, taasina waxay aheyd dhagar qarsoon oo uu ku gabanayey kuna gadayey madaxda Somaliland iyo gudoomiyaha Badhan, dhagartiina wey muuqatay wax la aamini karona heshiiska uu sheegayo maaha”.

“Wax aan ka heshiin oo naga dhaxeeya majiro, muxuu nagula heshiinaya maba jiraan wax uu nagula heshiiye, mise dalkeenu nagula heshiinaya markaa wax aanu kala heshiino ma jirto oo dalna nalama wadaago, calankii Somaliland wuxuu ka taaganyahay magaalooyinka xuduuda ku teedsan, Badhanina waa badhtamaha”.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com