Beledweyne (Caasimada Online) – Gudoomiyaha degmada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan Cumar Cismaan Calasow ayaa faah-faahin ka bixiyay xaaladda magaaladaasi, kadib markii shalay maleeshiyaad hubeysan ay carqaladeeyeen amniga goobaha loo asteeyay inay ka dhacaan doorashooyinka HirShabelle.
Maleeshiyaadka oo sheegay inay diidan yihiin hannaanka wax loo wado ayaa sheegtay inay la wareegeen xarunta doorashada, ayna kasoo horjeedaan hannaanka loo maamulayo doorashooyinka isku sidkan ee Golaha Wakiilada iyo Deegaanka.
“Dadka deegaanka oo hubaysan ayaa nahay, waxaan la wareegnay goobtii doorashadda loogu talagalay, dagaal ayaan ka xignaa in Beledweyne doorasho ku sheeg ay ka dhacdo, Xasan Sheekh waxaan la soconaa in kaarka uu siiyay Cali Guudlaawe,” ayuu yiri hoggaamiye u hadlay maleeshiyaadka.
Intaas kadib, waxaa soo jawaabay guddoomiyaha degmada Beledweyne oo beeniyay in lala wareegay xarumaha doorashada, wuxuuna shaaca ka qaaday xaaladda guud ee magaalada ay tahay mid nabdoon oo deggan.
Cumar Cismaan Calasow oo wareysi siiyay Universal Tv ayaa sidoo kale xusay in diiwaangelinta doorashada ay u socoto sidii loogu talagalay, isla markaana reer Beledweyne ay diyaar u yihiin inay ka qayb-galaan doorashada.
“Wax hadda aan ognahay oo qalalaase ah oo ka jira Beledweyne ma laha laamaha amniga ayaana sugayo amniga dadka is diiwaangelinayo,” ayuu yiri Guddoomiye Calasow.
Waxaa kale oo uu intaas kusii daray “Bulshada reer Beledweyne doorasho ayay rabaan waxayna diyaar u yihiin doorashada ka dhacday dhammaan degmooyinka Soomaaliya inay ka qayb-qaataan”.
Arrintan ayaa kusoo aadeyso, iyada oo shalay guddiga doorashooyinka qaranka uu shaaciyay in 30-ka bisha Sebtember loo asteeyey doorashada Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka ee Maamulka HirShabelle.
Jadwalku wuxuu sidoo kale dhigayaa in 2-da Sebtember la shaaciyo liiska hordhaca ah ee diiwaanka codbixiyeyaasha, halka 15-ka Sebtember la asteyn doono lana shaacin doono xarumaha iyo goobaha codbixinta.

