Wararkii ugu dambeeyay ee gobollada Banaadir, Shabeellah Dhexe, Shabeelaha Hoose iyo Hiiraan

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa maanta tagay magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan, saacado ka dib markii uu magacaabay gudoomiyaha gobolka Hiiraan, xilkana uu ka qaaday gudoomiyihii hore.

Wafdiga madaxweynaha ee maanta tagay magaalada Beledweyne waxaa kamid ah gudoomiyihii hore ee Hiiraan C/fataax Xasan Afrax, gudoomiyaha cusub ee gobolka Yuusuf Daga-geed iyo xildhibaano ka tirsan  baarlamaanka Soomaaliya.

Degmada Buulo-burde waxaa maanta ka dhacay banaanbaxyo lagu taageerayay noqoshada caasimada maamulka loo sameynayo Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe, maadaama uu ku dhawaaqay madaxweynaha Soomaaliya.

Banaadir

Kooxo hubeysan ayaa degmada Wadajir ee gobolka Banaadir ku dilay masuul la sheegay inuu ka tirsanaa bangiga dhexe ee dowlada Soomaaliya.

Dilkiisa ayaa ka dambeeyay markii kooxo hubeysan ay rasaas ku fureen xili uu ku sugnaa degmada, waxaana kadib baxsaday kooxaha dilka geystay.

Dhanka kale kooxo hubeysan ayaa sidoo kale gaarigiisa ku dhex dilay sarkaal ka tirsanaa dowlada Soomaaliya, kadib markii ay rasaasadeeyeen xili uu marayay carwadii hore ee Taleex.

Sh/Dhexe

Banaanbax lagu taageerayay in magaalada Jowhar martigeliso shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ayaa maanta ka dhacay magaalada Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Banaanbaxa waxaa qaban qaabiyay dadweynaha magaalada iyo xubno ka tirsan maamulka Shabeelaha Dhexe, waxaana masuuliyiinta maamulka Shabeelaha Dhexe ee goobta ka hadlay ay sheegeen iney ku faraxsan yihiin iney shirka martigeliyaan.

Gudoomiyaha gobolka Shabeelaha Dhexe Cali Guudlaawe ayaa ku dhawaaqay in shacabka Jowhar looga baahan yahay sidii ay usoo dhaweyn lahaayeen masuuliyiinta dhiseysa maamulka Hiiraan iyo Shabeelah Dhexe.

Shabeelaha Hoose

Wararka aan ka heleyno gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in maanta labo qarax ka dhaceen magaalada Marko ee xarunta Shabeelaha Hoose.

Qaraxa koowaad oo ka dhacay agagaarka shirkada Nationlink ayaa waxaa lagu weeraray ciidamo ka tirsan dowlada Soomaaliya, waxaana la ogeyn qasaaraha ka dhashay.

Dhinaca kale maanta dagaal xoogan ayaa ka dhacay duleedka degmada Awdhiigle ee gobolka shabeelaha Hoose, kadib markii ciidamada dowlada Soomaaliya weeraro dhowr jiho ah ku qaadeen saldhigyo ciidamada Alshabaab ku lahaayeen duleedka degmada.

Afhayeenka Shabeelaha Hoose oo wariyaasha la hadlay ayaa sheegay in shan kamid ah ciidamada Alshabaab lagu dilay weerarka ka dhacay duleedka degmada Awdhiigle ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com