Wararkii ugu dambeeyey 2 qarax oo ciidamada Kenya looga gubay gawaari

Mandheera (Caasimadda Online) – Weeraraan oo ahaa qaraxyo ayaa lagu beegsaday kolonyo ay la socdeen ciidamada milatariga Kenya xiili ay ku socdaalayeen qaybo kamid ah gobolka NDF, gaar ahaan Mandheera.

Gadiidka laga qarxiyay ciidamada Kenya ayaa gaaraya illaa labo gaari oo ah nuuca ciidamada qaada waxaana xilliga la qarxinayay ay marayeen inta u dhaxaysa deegaannada Carabiya iyo Finnoow ee ka wada tirsan Mandheera.

Mid kamid ah labada gaadiid ee la beegsaday ayaa gabi ahaanba gubtay waxaana dhimasho iyo dhaawac u qaybsamay dhammaan askratii gaariga saarnaa.

Gaariga labaad oo aysan  beegsadeen  xoogaga Al Shabaab ayaa waxaa soo gaaray bubur xooggan waxaa sidoo kale ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac isku jira.

Kolonyada gaaadiidka milatariga Kenya ee la beegsaday lagana gubay labada gaari ee kuwa ciidamada qaada ah ayaa kasoo baxay dhanka Mandheera waxaana ay kusii jeedeen dhanka Magaalada Ceel Waaq ee isla gobolka NFD.

Khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca ah  ee soo gaaray ciidamadii Kenyaatiga ahaa ee la beegsaday ayaa la sheegayaa in uu yahay mid aad u xooggan.

Labadan weerar ee maanta lagu qaaday ciidamada Militariga Kenya ayaa kusoo aadaya xilli sbuucii hore ay Shabaab weerar lagu dilay laba katirsan ciidamada Kenya ay ka fuliyeen deegaanka Carabiya oo aanan sidaas uga fogeyn goobta uu weerarkaan maanta ka dhacay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com