Wararkii ugu dambeeyey ee ciidamo MAREYKAN ah oo laayey shacab Somali ah

Leego (Caasimadda Online) – Saqdii dhexe ee xalay, waxaa deegaannada hoos yimaada Leego oo dhacda wadada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo ka dhacay xasuuq arxan daran oo ay ku kaceen Ciidamada dowladda Soomaaliya oo ay la socdeen saraakiil American ah.

Ugu yaraan 4 ruux ayay ciidamadan Soomaalida ah ee ka amar qaata Maraykanka isla markaasna ay la socdeen saraakiil caddaan ah ku dileen nawaaxiga Leego.

Dadka dhintay waxay kala yihiin labo nin, Hooyo iyo wiil yar oo ay iyadu dhashey.

Dadka deegaanka ayaaa aasay meydadka dadka xalay ay ciidamada Soomaalida ee saraakiisha Maraykanka la socoday ku laayeen duleedka Leego.

Ciidamadan dilka  geystay ayaa kasoo duulay garoonka Ballidoogle oo ah saldhiga ugu weyn ee ciidamada Maraykanku ku leeyihiin koonfurta Soomaaliya.

Maahan markii ugu horeysay oo fal noocaan ah ay Soomaaliya ka geystaan ciidamada Mareykanka iyo kuwa Soomaalida.

Duqeymo dhawr ahoo ciidamadaan Mareykanka iyo kuwa Soomaalida geysteen ayaa waxaa ku dhintay dad shacab ah iyo kuwa kale oo la aaminsan yahay inay ka tirsan yihiin ururka Al-Shabaab ee dagaalka kula jiro dowladda Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

- Sponsored Ads -