Wararkii u dambeeyey ee doorashada guddoomiyaha Gudiga Xallinta Khilaafaadka

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa haatan ka socda diyaar garow xoogan oo ku aadan doorashada guddoomiyaha cusub ee Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka, kadib markii la eryey guddoomiyihii hore.

Guddoomiye ku xigeenka Guddiga Xallinta Khilaafaadka, Maxamed Ibraahim Barre oo warqad soo saaray ayaa magacaabay guddiga qaban qaabada doorashada ee guddoonka.

Guddigan oo ka kooban shan xubnood ayaa ka shaqeyn doono diyaarinta doorashada guddoomiyaha cusub oo muhiim u ah doorashada socota ee Golaha Shacabka Somalia.

Sidoo kale Maxamed Ibraahim Barre ayaa faray xubnaha uu magacaabay inay daacad noqdaan, isla-markaana ay gutaan waajibaadka shaqo ee loo igmaday.

“Waxaa la farayaa xubnahaan inay waajibaadkooda u gutaan si daacad ah,” ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka Dalka.

Xilka guddoomiyaha ayaa waxaa loogu jiraa loolan adaga, waxaana haatan u tartamaya qabashadiisa xubno ka mid ah Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka.

Sidoo kale waxaa isku garbinaya inay guddoonka guddiga  helaan dhinacyo kala duwan, gaar ahaan Villa Soomaaliya, xafiiska Rooble iyo maamul goboleedyada, sida horay u dhacday oo kale, gaar ahaan doorashaddii gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Dadban.

Guddigaas ayaa waxaa kusoo baxay Muuse Geelle Yuusuf oo guddiga kasoo galay Puntland, kadib garab istaag uu ka helay Deni iyo xafiiska ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Halkan hoose ka aqriso:-