R/W Boris Johnson oo is-casilay balse sheegay in…

Boris Johnson ayaa maanta iska casilay xilka hoggaamiyaha xisbiga Conservative-ka ee Britain, taasi oo dhabbaha u xaareysa doorashada ra’iisul wasaare cusub kadib markii wasiiro dhowr ah ay iska casileen dowladdiisa ay fadeexadaha hareeyeen.

“Waa ay cadahay rabitaanka xildhibaanada Conservative-ka ee ah in xisbiga uu helo hoggaamiye cusub, sidaa darteedna ra’iisul wasaare cusub,” ayuu yiri Johnson isaga oo ka hadlaya banaanka xafiiska 10 Downing Street.

Johnson, oo 58 jir ah, ayaa ku dhowaaqay inuu iscasilayo kadib markii xubno badan ay iska casileen dowladdiisa, balse wuxuu sheegay inuu si hayn doono xilka ra’iisul wasaaraha illaa laga helo qofkii beddeli lahaa.

Waqtiga lagu soo dooran doono hoggaanka cusub ee xisbiga Tory ayaa lagu dhowaaqi doonaa toddobaadka soo socda kadib saddex sano oo qalalaase uu hareeyey.

Johnson ayaa sheegay inuu “ka murugsanaa inuu ka tanaasulo shaqada ugu wanaagsan dunida,” wuxuuna qiil u sameeyey inuu u dagaalamayey illaa sacaaddii ugu dambeysay kadib markii shacabka ay doorteen bishii December 2019.

Sacaado kahor ku dhowaaqista Johnson, hoggaamiyaha xisbiga mucaraadka ee Labour-ka Keir Starmer ayaa sheegay inuu soo dhoweynayo go’aanka la filayey.

Hase yeeshee Starmer ayaa sheegay “in isbeddel dowlad oo ku habboon,” loo baahan yahay, wuxuuna dalbaday in codka kalsoonida laga qabto baarlamanka taasi oo horseedi karta doorasho guud.

Kadib maalmo uu u dagaalamayey shaqadiisa, Johnson ayaa waxaa faarujiyey waxyar mooyee inta badan xulafadiisa kadib markii fadeexado dhowr ah oo cusub ay jebiyeen rajadoodii aheyd inay taageeraan.

“Is-casilaaddiisa waxay aheyd mid aan la huri doonin,” waxaa sidaas yiri Justin Tomlinson oo ah guddoomiye ku-xigeenka xisbiga Conservative-ka oo qoraal soo dhigay twitter-ka.

“Xisbi ahaan waa inaan si deg deg ah u midownaa oo aan diiradda saarnaa waxa muhiimka ah. Waxaan ku jirnaa waqti adag dhinacyo badan.”

Taageerada Johnson ayaa baaba’day intii lugu guda jiray mid ka mid ah 24-kii saac ee ugu qalaalasaha badnaa taariikhda siyaasadda Britain, taasi oo uu tusaale u yahay wasiirka maaliyadda Nadhim Zahawi, oo xilkaas loo magacaabay Talaadadii un, kaasi oo ra’iisul wasaaraha ugu baaqay inuu is-casilo.

Zahawi iyo xubno kale oo ka tirsan golaha wasiirada ayaa xalay tegay xafiiska Downing Street si ay ugu sheegaan Johnson in watqigiisa uu yimid.

AFP + REUTERS + VOA