Wararkii ugu dambeeyey ee kulamada murashaxiinta u socda iyo mowqifkooda

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho ka socdo maalintii Afaraad oo xiriir ah shir ay leeyihiin Golaha Midowga Musharaxiinta, kaasi oo looga arrinsanayo xaalada dalka iyo arrimaha doorashooyinka.

Shirka maanta ayaa si gaar ah waxaa diirada loogu saaray sidii looga hortegi lahaa boobka uu Goluhu sheegay in lagu hayo doorasahda Golaha Shacabka oo ka socota guud ahaan dalka.

Daahir Maxamuud Geelle, Afhayeenka Midowga Musharaxiinta ayaa sheegay in uusan wax isbedel ah ku iman mowqifka Midowga Musharaxiinta, kadib kulankii ay la qaateen Ra’iisul Wasaaraha dalka oo asagu gacanta ku haya maamulka doorashada.

“Golaha Midowga Musharaxiinta mowqifkiisi ku aadana arrimaha socda in wax iska bedelay aysan jirin, uuna aaminsan yahay waxa socda inay yihiin doorasho boob qaawan oo aan doorasho lagu sheegi karin,” ayuu yiri Daahir Geelle.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Golaha Midowga Musharaxiinta uu sii wadi doono kulamada looga arrinsanayo xaalada dalka, kuwaasi oo ay la qaadanayaan odayaasha dhaqanka, siyaasiyiinta iyo bulshada rayidka.

Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa ujeedkooda waxa uu yahay inay saamileyda siyaasadeed saxaan qalalaadka ka jira doorashada, si loogu gudbo hanaan doorashooyin oo la aqbalsan yahay, sida uu sheegay Afhayeenka Golaha.

Xubnaha ku bahoobay Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa maalmihii la soo dhaafay waxay walaac xoogan ka muujinayeen hanaanka ay ku bilaabatay doroashada Golaha Shacabka, ayaga oo la kulmeyna Ra’iisul Wasaaraha, si loo saxo qaladaadka ka jira doorashada.