Khilaaf culus oo ka taagan xildhibaanada Ahlu-Sunna laga siiyey GALMUDUG

Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Waxaa haatan uu khilaaf ka taagan yahay 20 Xildhibaan oo Ahlusunna Wal-Jamaaca laga siiyey Baarlamaanka Cusub ee Dowlad goboleedka Galmudug, iyada oo Odayaal iyo Waxgarad ay kasoo horjeesteen.

Cabdullaahi Macalin Cali oo kamid ah dadka deegaanka Xeraale ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegay in marnaba aysan ogolaan doonin raalina ka noqoneyn Xildhibaannada Ahlusunna laga siiyey Baarlamaanka Galmudug.

Wareysi uu siiyey warbaahinada Muqdisho ayuu sheegay in marnaba aysan qeyb ka noqoneyn dhismaha Galmudug, Ururka Ahlusunna uu in ka badan 70 Ruux uu ku diley deegaanka Xeraale,isla markaana ay aqbaleyn in Xildhibaannada deegaankooda loo xil saaro Urur Gaar ah.

Sidoo kale waxaa jiro beelo kale oo ka hor imaaday 20-ka Xildhibaan oo ay dhawaan ku dhawaaqday Ahlu Sunna iyadoo beelaha qaar ay ku doodayaan in laga qaatay tiro badan oo aysan qaadan karin marnaba.

Dhanka kale, waxaa magaalada Gaalkacyo ka dhacday xaflad lagu soo dhaweenayo labadii Xildhibaan oo ay Ahlu Sunna ka qaadatay Beesha Sacad kuwaas oo dhawaan lasoo gudbiyey magacyadooda.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan si rasmi ah ugu dhawaaqday inay Ahlu Sunna u ogolaatay 20 ka mid ah 89 Xildhibaan ee uu yeelanayo Baarlamaanka Galmudug.