Wararkii ugu dambeeyey xisadda gobolka Bari iyo Puntland oo hanjabtay

Boosaaso (Caasimadda Online) – Cabdisamad Yuusuf Maxamed Guddoomiyaha Gobolka Bari ee Maamulka Puntland ayaa shaaca ka qaaday in dhowr jeer Bulshada ku nool Gobolka Bari ay kala arrinsadeen in aan khalqal la gelin Amniga ka jira gobalkaasi hayeeshee ay jiraan dad yar oo ka biya diidsan.

Guddoomiye cabdisalaam ayaa sheegay inay jiraan dad diidan horumarka iyo Amniga Gobolka Bari, kuwaas oo meelo kale looga taliyo sida uu hadalka u dhigay sidaa darteedna aysan aqabali doonin in amniga khal khal la geliyo.

Intaa waxa uu ku daray hadalkiisa in sharciga ay horkeeni doonaan ciddii isku dayda in amniga gobalka bari falal ka dhan ah sameysa.

Arrintaan ayaa imaanaya xilli magaalada boosaaso ee gobalka bari maalmo ka hor lagu xeray odayaal dhaqan, kuwaasi oo la sheegay in ay wax ka sheegeen madaxda sare ee puntland, kaddib khilaaf soo kala dhex galay labada dhinac.

Odayaasha la xiray ayaa shir jaraa’id oo ay qabteen waxay ku cambaareeyeen Mamulka Puntland, waxayna xiisadda Gobolka Bari salka ku heysaa khilaafka ka taagan mushaaruuc ay imaaraadka maalgeliso oo la siiyo Ciidamada Badda Puntland.

Xiisadda Gobolka Berri ayaa meel sare gaartay, waxaana Dowladda Soomaaliya lagu eedeeyey inay iyada ka dambeyso xiisadaas si ay cadaadis ugu saarto Madaxweynaha Puntland Saciid Deni oo la rumeysan yahay inuusan ku qanacsaneyn siyaasadda ay Dowladda Federaalka ah ku maamusho dalka.