Warbaahinta Itoobiya oo wajahaysa jahwareer, kadib markii Xasan Sheekh…

Bookmark
Bookmarked

Share

Addis Ababa (Caasimada Online) – Warbaahinta Itoobiya ayaa haatan wajheysa jahwareer xooggan oo ka dhashay maqaal ka dhan ah Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ay baahisay Wakaaladda Wararka dalkaasi ee ENA.

Warbixinta oo ciwaan looga dhigay “Khiyaamada Xasan Sheekh waxa ay wax u dhimeysa xaqiiqooyinka gobolka” ayaa markii dambe laga saaray bogga Wakaaladda Wararka Itoobiya (ENA), iyadoo maqaalka si adag loogu dhaliilayay Madaxweynaha Soomaaliya oo lagu eedeeyay inuu qaatay siyaasado ka hor imaanaya danaha istiraatiijiga ah ee Itoobiya.

Itoobiya ayaa sidoo kale ku dooday in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu si dadban u taageerayo mowqif siyaasadeed oo lagu xaddidayo doorka Itoobiya ee gobolka.

Maqaalka ayaa waxaa qoray saxafi Gezmu Edicha, iyadoo lagu falanqeeyay mowqifka Soomaaliya ee arrimaha Badda Cas, Webiga Nile iyo xiriirka gobolka, kadib markii uu Xasan Sheekh ka qayb-galay shirkii ay Al-Calamayn ku yeesheen madaxda dalalka Soomaaliya, Masar, Ereteriya iyo Suudaan.

Tirtirista maqaalka ayaa dhalisay su’aalo la xiriira sababta Wakaaladda Wararka Itoobiya (ENA) ay u qaaday tallaabadaas iyo in wakaaladdu bixin doonto sharaxaad rasmi ah oo ku saabsan sababta loo daabacay maqaalka, kaas oo loo arkayay inuu ka hor imaanayo aragtida madaxda Itoobiya.

Si kastaba, ha’ahaatee, Tirtirista maqaalka ENA ayaa ah arrin xasaasi ah, iyadoo Soomaaliya ay si muuqata u kordhisay xiriirrada ay la leedahay dalalka gobolka ee ku loollamaya saameynta siyaasadeed iyo amni ee gobolka Geeska Afrika.

Itoobiya ayaa muddo dheer khilaaf kala dhexeeyey dowladaha Masar iyo Suudaan, kaas oo ku saabsan maamulka iyo isticmaalka biyaha Nile, iyadoo muranka ugu weyn uu yahay Biyo-xireenka weyn ee Itoobiya oo Masar iyo Suudaan ay walaac ka muujiyeen saameyntiisa.

Waxaa kale oo jirta in Itoobiya oo aan lahayn xeeb ay sannadihii u dambeeyey  aysi weyn u muujineysay baahida ay u qabto marin-badeed ganacsi, arrintaas oo qayb ka noqotay siyaasadda dibadda ee Addis Ababa iyo xiriirrada ay la sameysay dalalka gobolka.

- Advertisement -

Read more

Local News