Dhibaato shacab badan ka qeyliyeen oo Amisom-na ay tiri “Waan la qabnaa”

Muqdisho (Caasimada Online) –  Afhayeenka Ciidamada AMISOM Corne: Cali Aadan Xumad oo maanta shir Jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho e caasimadda Soomaaliya ayaa wuxuu ka hadlay arimo ay ka mid yihiin Amniga Caasimadda iyo arimo kale oo dhowr ah oo ay qeyb ka yihiin dil dhawaan nabadoon Caan ah Baladweyne loogu geystay iyo qarax Kismaayo Axmed Madoobe lagula eegtay.

Cali Aadan Xumad, wuxuu sheegay in xaalada amni ee Muqdisho ay waxbadan ka badaleen inakastoo u sheegay inay jiraan falal liddi ku ah mniga oo xilliyada qaaar ka dhaca Muqdisho , sidoo kale tilmaamay inuu aad uga xunyahay qaraxii dhawaan Kismaayo Axmed Madoobe lagula eegtay iyo dil dhawaan Baladweyne loogu geystay Nabadoon caan ahaa.

Cornel-ka ayaa ka dhawaajiyay in ciidamada AMISOM ay ku dhib qabaan maritaanka wadada xiriirisa Afgooye , Leego iyo waliba Wanlaweyn, taas oo uu sheegay inay ku dhuumaaleystaan Ciidamo ka tirsan Shabaab , waxaana uu shaaca ka qaaday inay weeraraan ciidamada AMISOM ee wadadaasi mara.

Cali aadan wuxuu tilmaamay in ay jiraan goobaha qaar oo sida uu sheegay amaan ah oo uu shaaciyay inay ku sugan yihiin ciidamada dowlada Soomaaliya , balse wuxuu daaha ka rogay inay dhibaato xoogan ku qabaan Kooxo uu ku sheegay shar wadayaalinay wadadaas u galaan ciidamada AMISOM ee halkaasi ku socdaala.

Dhawaan ayuu sheegay inay soo afjari doonaan dhibaatada ku aadan cabsida ku aadan inta u dhexeysa Leego iyo Wanlaweyn , waxaana uu shaaca ka qaaday in AMISOM ay diyaar u tahay mar waliba ka hor tagidda cid waliba ooqal qal ku ah mniga shacabka Soomaaliyeed sida uu hadalka u dhigay.

Inta badan Shabaab ayaa wadad u gala ciidamada Al-shabaab ee wadadada Shabeelha hoose isticmaala iyo Mas;uuliyiinta dowlada ee iyana wadaasi isticmaasha , inkastoo AMISOM ay iminkashaaca ka qaaday inay dhibaatadaasi kahor tagi doonto.

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com