Warbixin: Doorasho aad u adag oo laga filayo Somalia 2016

Muqdisho (Caasimada Online) – Doorashada Soomaaliya ee sanadkan ayaa la filayaa inay noqoto mid aad u adag, musharaxiintana aad ay isugu dhowaan doonaan.

Waxaa ka qeyb galaya musharaxiin miisaan culus sida madaxweyne Xasan Sheekh, madaxweyne Shariif, ra’iisul wasaare Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo msuaharxiin kale.

Hase yeeshee, hal musharax oo xiiso aad u badan soo jiidanaya, islamarkaana taageero badan loo muujinayo waa safiirkii hore ee Soomaaliya u fadhiyey dalka Kenya, Maxamed Cali Nuur Ameeriko.

54 jirkan ayaa astaan u noqday tayada ay Soomaali badan ka raadinayaan musharaxiinta madaxweynaha sida dib u heshiisinta iyo soo celinta nabadda dalka oo qalalaase ku dhex jiray tan iyo sanaddii 1991-kii.

Waxaa tani ugu wacan danjiraha oo taabtay qalbiyada Soomaali badan markii uu dhowaan si shaacsan u cafiyey nin canugiisa oo 18 bilood jir ahaa dilay sanaddii 1992-kii.

Bishii September ee 2014 ayaa isaga oo shaah ku cabaya baar ku yaalla Muqdisho, waxaa Ameeriko u yimid nin u sheegay inuu 22 sano kahor qeyb ka ahaa koox dishay gabadhiisa.

“Markii uu ii sheegay waan carrooday, waxaan damcay inaan dilao, haddana ilaah baa I dejiyey, waxaana u sheegay inaan iska cafiyey alle dartiis” ayuu yiri.

Markii ay arrintan soo shaac baxday oo warbaahinta Soomaalida ay aad u werisay ayada oo ay astaan u ahayd dib u heshiisinta Soomaalida, ayaa arrimo dhowr oo noocaan oo kale ah waxa ay dhaceen gobollo badan oo dalka ka mid ah.

“Ma dhahayo yaysan jirin caddaalad la marsiiyo dadka dambiyada galo, laakiin waxaa xaqiiq in dadka qalbiyadooda ay ku jiraan waxyaabo badan oo ay u baahan yihiin inay banaanka isaga soo saaraan” ayuu yiri Danjiraha.

Danjire Ameeriko ayaa rumeysan in mid ka mid ah sababaha ay xasilooni darrada Soomaaliya u socoto ay qeyb ka tahay ayada oo aysan jirin dib u heshiisiin rasmi ah oo dadka la dhex dhigay.

“Dib u heshiisiinta Soomaaliya ay ka sameeyeen dowladihii dhowaanahan jiray ma miro dhalin sababta oo ah waxaa ku lug lahaa kaliya siyaasiyiinta iyo odayaasha ee ma jirin dib u heshiisiin gunta hoose laga soo billaabay” ayuu yiri Danjire Ameeriko.

Dhowaan ayay ahayd markii uu socdaal dheer ku maray gobollada dalka, si uu indhihiisa ugu soo arko xaaladda nololeed ee dadka, markaasi oo in badan oo ayaga ka mid ah ay ugu baaqeen inuu is-sharxo.

Waxa uu sheegay in dhibka sii socda ee Soomaaliya ay sababteeda ugu weyn tahay ayada oo aysan jirin dib u heshiisiin rasmi ah, oo meel hoose laga soo billaabay.

Intii uu ahaa safiirka Soomaaliya ee Kenya waxaa lagu xusuustaa inuu damin jira xiisadda ka dhalata mar kasta oo Al-Shabaab ay weeraro ka fuliyaan gudaha dalka Kenya, isaga oo garab istaagi jira qaxootiga Soomaaliyeed ee dalka Kenya.

Maxamed Cali Ameeriko waxa uu sheegay in haddii la doorto uu muhiimadda saari doono sidii ciidamada amniga Soomaaliya ay u qaadi lahaayeen mas’uuliyadda sugidda amniga dalka, intii la isku haleyn lahaa ciidamada Amisom.

“Waan ka mahadnaqeynaa waxa ay noo hureen ciidamada Amisom tobankii sano ee tagay, laakiin waxaan garowsanahay in Amisom aysan sii joogi karin dalka weligood, sidaa darteed waa inaan billownaa dib u dhiska iyo xoojinta ciidamada qaranka” ayuu yiri Danjire Ameeriko.

Waxa uu sheegay in ciidamada Soomaaliya aysan iminka kaligood la dagaalami karin Al-Shabaab ayaga oo aan caawimaad ka heleyn Amisom.

“Tani ma sii socon karto haddii la doonayo in halista Al-Shabaab ee Soomaaliya iyo gobolka meesha laga saaro” ayuu yiri.

“Waxaa aad u yar lacagta lagu maal-gelinayo ciidamada Soomaaliya, waxay mushahar u qataan kaliya 100 dollar bishii, oo mararka qaar ay waayaan, taasna waa in wax laga beddelaa” ayuu yiri Ameeriko.

Waxa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay mallaayiin dollar ku heshay magaca ciidamada Soomaaliya, hase yeeshee aysan muuqan in lacagtaas la geliyey ciidanka.

Danjire Ameeriko waxa uu wax ku bartay dalka Mareykanka, isaga oo ka qalin jebiyey jaamacadaha Montgomery College iyo University of Maryland ee gobolka Maryland, halkaasi oo uu ku taqasusay cilmiga dhaqaalaha.

Markii uu qalin jebiyey sanaddii 1985-kii, waxa uu ku laabtay dalka, isaga oo ka shaqeeyey bankigii dhexe ee Soomaaliya, oo uu madax ka ahaa qeybta xisaabaadka, ka hor inta uusan dagaalkii sokeeye qarxin. Shaqadii ugu dambeysay ee uu qaranka u qabtay waxay ahayd safiirka Soomaaliya ee Kenya, oo uu ammaan badan ku mutay waxqabadkiisa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com