Warbixin: Dowladaha Somalia & Kenya oo la lee yahay sirta ha wadaagaan

Asad Cabdullahi MataanBy Asad Cabdullahi Mataan

Weerarkii argaggixisanimo ee al-Shabaab ay ku qaaday suuqa Westgate ee Nairobi bishii hore ayay tahay inuu ku dhiirri-galiyo Kenya iyo Soomaaliya in ay samaystaan qaab ay hay’adaha ammaanka ee labada dal iskula shaqeeyn karaan.

In al-Shabaab ay yeelato awood-habeedka ee ay weerar sidan halis u ah ugu qaaddo suuq ku yaala badhtamaha caasimadda Kenya ayaa si cad u muujinaysa in kooxdan xagjirka ahi aysan ku koobnayn kaliya Soomaaliya, balse ay tahay koox khatar ah oo u baahan in la isku darsado khayraadka dadka, farsamada iyo ilaha dhaqaale ee labada waddanba si loo xakameeyo, sida ay sheegeen falanqeeyayaasha ammaanka.

“Dhibaatada argaggixisanimada ayaa waynaatey oo noqotay dhibaato gobol waxayna hay’adaha kala duwan ee ammaanka uga baahan tahay iskaashi joogto ah,” ayuu yidhi Jaw Kitiku, oo ah kornayl ka hawl-gabay milatariga Kenya oo sidoo kalena agaasimaha fulinta ka ah Xarunta Cilmi-baadhista Ammaanka iyo Warfaafinta ee Nairobi.

“Waxaa la gaadhey waqtigii ay dawladaha Kenya iyo Soomaaliya ka tanaasuli lahaayeen kala shakiga oo ay sameeysan lahaayeen xeelad wadajir ah oo aad u adag oo ka dhan ah argaggixisanimada oo, waxyaabo kale iyadoo qabanaysa, dajisa nidaam lagu wadaago sirdoonka oo ka mid ah hawlaha iskaashiga,” ayuu yiri.

Nidaam wadajir ah ee ay Kenya iyo Soomaaliya ku wadaagaan macluumaadka sirdoonka kaliya ma hagaajinayo ururinta macluumaadka, balse wuxuu sidoo kale kor u qaadayaa xawliga looga shaqeeyo macluumaadka oo lagu falanqeeyo, kaas oo markaa sababaya in si degdeg ah wax looga qabto talooyinka, ayuu yidhi Kitiku.

Dabagalka warbaahinta bulshada, is-dhaafsiga lacageed

Qeyb kale ee ay tahay muhiim in si wadajir ah loo daba-galo waa isticmaalka argaggixisada ee warbaahinta bulshada, ayuu yidhi.

Sida ururro badan oo xagjir ah, al-Shabaab waxay internetka u isticmaashaa in ay ku abuurto oo ku faafiso wararka beenta ah, in ay ku soo qorato xubno cusub, in ay ku ururiso oo ku dirto lacagaha, in ay ku tababarto xubnaha cusub isticmaalka hubka iyo xeeladaha, iyo in ay ku qorsheeyso hawlgallada, ayuu yidhi Kitiku.

“Adeegga bilayska Kenya iyo bilayska Soomaaliyeed waa in ay sameeystaan unug bilays oo wadajir ah oo internetka ka dabagala al-Shabaab si loo baadho wada hadallada argaggixisanimada khuseeya,” ayuu yidhi Kitiku.

“Unugga internetku wuxuu maalin kasta roondo ka gali lahaa internetka. Saraakiishu waxay noqonayaan kuwa ugu khibradda wanaagsan xirfadaha warbaahinta bulshada,” ayuu yidhi. “Waxay raadin lahaayeen tilmaamaha khataraha iyaga oo ku saleeynaya luuqadda iyo jawiga guud ee qoraallada xagjiriinta waxayna soo ogaan lahaayeen halka uu asalkoodu yahay iyo halka loola jeedo farriimaha.”

Haddii dhab loo qaadan lahaa qaar ka mid ah dhaqdhaqaaqyadii iyo hanjabaadihii internetka xilligii ka horreeyay weerarka Westgate oo si wanaagsan loo baadhi lahaa, waxaa la qaadan lahaa tallaabooyin ka hortag ah waxaana la horjoogsan lahaa dhimashadii dhacdey, ayuu yidhi.

Dhanka dhaqaalaha, labada dal waa inay si intan ka wanaagsan isula jaanqaadaan hawlaha dabagalka ee nidaamyada bangiyada kuwooda rasmiga ah iyo kuwa aan rasmiga ahayn, ayuu yidhi Xoghayaha Dhaqaalaha ee Maaliyadda Qaranka Kenya Geodfrey Mwau.

Argaggixisadu waxay isticmaalaan nidaamyo dhaqaale sida xawilaad iyo kaararka bangiyada ee bangiyada rasmiga ah iyo kuwa aan rasmiga ahayn iyo shirkadaha bixiya adeegyada xawilaadda si ay u maal-galiyaan una fuliyaan hawlahooda, marka haddii ay jirto kormeer xumo, argaggixisadu si buuxda ayey u shaqaysan karaan, ayuu yiri.

“Dhammaan shirkadaha lacageed ee Kenya way soo sheegaan is-dhaafsiga lacageed ee ay samayaan kooxaha lagu tuhunsan yahay argaggixisanimada. Waxaan kula talin lahaa Baanka Dhexe ee Sooomaaliya iyo baarlamaanku in ay Kenya kaga deydaan nidaamkan,” ayuu yidhi Mwau.

“Waxaa jirta baahi ah in ay dawladda Soomaaliyeed billowdo sharciyo u saamaxaya bilayska, siiba [iyadoo loo adeegsanayo] unug qaabilsan dambiyada dhaqaale, in ay aqoonsadaan kuwa lacagaha isdaba mariya, in ay dabagalaan hantidooda oo ay markaas joojin ku soo rogaan ama ay kala wareegaan,” ayuu yidhi Mwau. “Tani waa sida ugu wanaagsan oo urur argaggixiso looga cunaqabateyn karo lacagaha lagu maalgeliyo hawlaha argaggixisanimo.”

Isaga oo aqoonsanaya baaxadda dhibaatada, ayuu Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Kenya Maxamed Cali Nuur yidhi, “Dagaalka ka dhanka ah argaggixisanimada ee lagula jiro al-Shaabab waa mid imika la wadaago xuduuddiisa. Waa in ay labada dawladood ka faa’iideystaan niyad samida siyaasadeed oo ay samaystaan nidaam iskaashi oo loo dhan yahay.”

Nuur ayaa sheegay in Adeegga Sirdoonka Qaranka (NIS) ee Kenya iyo Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka (NISA) ee Soomaaliya ay tahay inay wax isku darsadaan si ay u sameeyaan kayd macluumaad oo internetka ah oo dhammeeystiran oo gobolka ah ayna abuuraan madal ay shaqaalaha sirdoonku si joogto ah ugu kulmaan oo ay iskula eegan macluumaadka sirdoonka iyo falanqeeynta.

“Kaydkaas macluumaadka waxaa ku jiraya magacyada kuwa argaggixisada lagu tuhmayo, sawirradoodii ugu dambeeyay, halka ay ku sugan yihiin iyo dhaqdhaqaaqoodii ugu dambeeyay, kuwa ay la shaqaystaan iyo diiwaankooda farriimaha iyo halka ay dhaqaalaha ka helaan,” ayuu Nuur sheegay.

Tababarka ciidamada bilayska Soomaaliya

Waxaa jira dadaallo ay sameeyeen jaallayaasha Soomaaliya ee caalamka oo ku aaddan in dib loo aasaaso adeeg bilays Soomaaliyeed oo ah casri, hawlkar iyo mid xirfad wanaagsan.

Sannadkii hore tusaale ahaan, dawladda Kenya waxay qabanqaabisay barnaamij tababar ah oo saddex bilood loo qabtay saraakiil ka tirsan ciidamada bilayska Soomaaliya.

“Waxaan tababarnay in ka badan 200 oo rag iyo dumar bilayska Soomaaliyeed ah oon barney xirfad heer sarreysa oo ah sida loo ilaaliyo dadka aad muhiimka u ah, sida loo ilaaliyo oo loo sugo amniga dhismayaasha guud, iyo xeelado guud oo fulinta sharciga ah,” ayey afhayeenka bilayska kenya Zipporah Gatiria Mboroki sheegtay.

Tababarka waxaa lagu qabtay dhul-beereedka Adeegga Duurjoogta Kenya uu ku leeyahay Manyani waxaana tababarayaasha bilayska iyo khubaro kale laga keenay Uganda, Ghana, Nigeria iyo Sierra Leone.

“Sida iska cad, iyadoo ay argaggixisanimadu daba joogto Kenya iyo Soomaaliya labadaba, waxaa jira hawgallo kale oo ammaan oo qarsoodi ah oo uu fuliyo Unugga Ka-hortagga Argaggixisnimada ee Kenya iyo dhiggiisa Soomaaliya,” ayey tidhi Mboroki. “Ma doonayo inaan faahfahin ka bixiyo, laakiin waxaa jira hannaan baadhitaanno wadajir ah, macluumaad ururin, ilaalada kuwa la beegsanayo iyo qiimeeynta hanjabaadaha argaggixisada.”

Dhankiisa, Janaraal Yuusuf Xuseen Dhuumaal, oo taliye u ahaa milatariga Soomaaliya xilligii Dawladdii Federaalka Ku-meel-gaadhka ahayd, ayaa sheegay in Soomaaliya iyo jaarkeeda ay tahay in ay tallaabooyin dheeraad ah u qaadaan iskaashiga ammaanka oo ay wadiistaan jaallayaasha caalamka oo leh khibradaha xeesha dheer sida Jarmalka, Maraykanka iyo qaar kale, inay ka caawiyaan qalabka iyo tababar awood.

“Argaggixisadu waxay u dhaqmayaan oo ay weerarrada u qaadayaan siyaabo cusub, waxaana loo baahanyahay in tan loola dagaallamo hab kale,” Dhuumaal ayaa sidaas sheegay.

Istiraatijiyad wak ku ool ah oo muddo dheer ah oo lagula dagaallamo xagjir noqoshada iyo argaggixisanimada, ayuu yidhi, waa inay qeyb ka tahay inuu waddan kasta leeyahay koox bilays ah oo la dagaallanta argaggixisada oo ka kooban saraakiil ku qaatey tababar isku dhigma farsamooyinka ugu dambeeya ee shaqada, ururinta macluumaadka sirdoonka iyo falanqeeyn.

“Hawsha kaliya ee ciidamadaas waa inay noqotaa inay ka hortagaan falalka argaggixisanimada, waana inay helaan miisaaniyad gooni ah iyo agab milatari oo horumarsan” ayuu yidhi Dhuumaal.

Waddamada Bariga Afrika waa in ay sidoo kale sameeyaan ciidamo wadajir ah oo bilayska madaniga ah oo awood u leh inay ka shaqeeyaan gobolka oo dhan, ayuu yidhi.

“Ciidankani wuxuu u gurman lahaa xaaladaha degdegta ah oo uusan xallin karin hal waddan [kaligiis],” ayuu yidhi Dhuumaal.

“[Abuurista ciidan wadajir ah] waxay u baahaneaysaa shirar hordhac ah oo ay wasiirrada masuulka ka ah arrimaha ammaanku kaga wadahadlaan macquulnimada iskaashi noocaas ah,” ayuu raaciyey, isaga oo aqoonsaday in howsha noocaas ahi aysan horay ka miro dhaleeyn.

Isha: Sabahi Online