Warbixin: Jarmalka oo maxkamad saaraya tuhmane Al-Shabaab

BERLIN (Caasimada Online) Dalka Germalka waxa ka billowday dhageesiga dambi loo heesto nin xiriir la leh Al-Shabaab iyo Al-Qaacida.

Xeer beegti ku sugan Berlin ayaa maanta oo Isniin sheegay Emrah Erdogan oo ah 24-jir in loo heesto labo dambi oo kala ah burcadnimo isyeelyeelid in uu weeraro Germalka.

Ninkan ayaa la sheegay in uu damacsanaa in weeraro ka geesto dalka Germalka sannadkii 2010-ka.

Waxa kaloo xeer beegtida ay lee yihiin Erdogan wuxuu bishii May 2010 ka tagay dalka Germany isagoo ku sii jeeda soohdinta waddamada Afghanistan iyo Pakistan si uu ugu biiro xero ay ku tababartaan  al-Qaida .

Sido kale waxa lagu eedeeyya in uu u safray Soomaaliya sanandkii 2011 si uu ugu biiro Al-Shabab isla markaana uuga qayb qaatay weeraro lagu dilay dhowr ciidan oo Ethiopin ah oo dowlada xilligaas taageero siiyay.

Erdogan ayaa lagu xiray dalka Tanzania bishii June 2012, waxaana loo musaafuriyay dalka Germany.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi