Weerarkii Mareykanka ee Baraawe waa fashilka AMISOM (Warbixin)

Asad Cabdullahi MataanBy Asad Cabdullahi Mataan

Muqdisho (Caasimada online) Isku dayga ciidamada Mareykanka ay ka geysteen Soomaaliya gaar ahaan degmada Baraawe ayaa hoosta ka xariiqaya fashilka ciidamada AMISOM ee Soomaaliya, si ay u xaqiijiyaan amaanka degmada Xeebta leh ee Baraawe Alshabaabna ay ka saraan.

Qaramada Midoobay iyo xubno ka tirsan Midowga Africa, ayaa ku micneeyay arintaasi inay jirto agab la’aan heysata ciidamada AMISOM ee ku sugan dalka Soomaaliya.

Degmada Baraawe waxay 175 u jirtaa magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, waxaa in badan ka taliya Alshabaab, iyo dagaalyahanada kale ee ajaaniibta ee la joogta Alshabaab.

Degmada meel ku dhow waxaa ka howlgalka ciidamada AMISOM gaar ahaa secter-ka koowaad, oo ka koobaan Uganda iyo Burundi, waxaana kuwaasi saaraan waajibaadka Shabeelaha Hoose, iyo inay deegaanada Gobolkaas ka saaraan Al-shabaab iyo Waliba Xaqsiijinta Amniga Gobolka.s

Saleh Ali Saleh Nabhan, ayaa ciidamada Mareykanka ee sida gaarka u tababaran waxay ku dileen meel ku dhow degmada Baraawe ee Shabeelaha Hoose bishii September sanadkii 2009-kii.

Waaxda arimaha dibada Mareykanka ayaa sheegtay inay ku guul dareysatay weerarkii degmada Baraawe oo ay ku doonayeen inay kusoo qabtaan Abdikadir Mohamed Abdikadir.

Inkastoo ciidmada Alshabaab ay ku sugan yihiin degmada Baraawe, hadana ciidamada AMISOM marnabada iskuma aysan dayin inay la wareegaan gacan ku heynta degmadaasi.

Wakiilka gaarka ee qaramada midoobay arimaha Somalia u qaabilsan Mr Kay ayaa 24 kii bishii lasoo dhaafay sheegay in ciidamada AMISOM aysan heysan diyaarado ay ku weeraraan Alshabaab.

AMISOM ayaa waxaa la isku raacay iminka in tirada ka joogta Somalia laga dhigo  ku dhawaad 24 kun oo askari walow laga sugayo golaha amaanka inay ansixiyaan arintaasi.

Sida la aaminsan yahay Hadii Tisrada Ciidamasda AMISOM, laga Dhigo 24, kun waxaa hor yasala howl adag oo ku aadan Xurseynta deegaanada ka maqan gacanta Dowlada Soomaaliya.

AMISOM , ayaa iminka waxay qiil ka dhiganeysaa in Tirada Ciidamada Soomaaliya ka joogaa aysan kaafin karin , isla markaana aysan sahal aheyn inay Shabaab ku Baacsadaan goobaha ay Dalka ka joogaan , Maadaama Sida ay Tilmaameen Ciidama iminka Jooga aysan Ka badneyn Difaacada Gsoobaha ay gacanta ku hayaan Xilligan .

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

Warbixintii:-Jeremy Binnie, London