Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa wuxuu sheegay in dadka kasoo jeeda Gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe laga doonaayo inay u diyaar garoobaan dhismaha Maamul u sameynta Gobolka Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.
Dadka kasoo jeeda Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, ayuu sheegay in looga baahan yahay inay door muuqato ku yeeshaan dhismaha Maamul Goboleedka Gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe ee dalka Soomaaliya, islamarkaana la tashiyo badan iyo aragtiyo ay ka bixiyaan.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay inuu soo socdo dhismaha Maamul Goboleedka Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan, sidaasi awgeedna dadka Goboladaasi ka soo jeeda inay ka qayb qaataan qaabka ugu wanaagsan ee loo dhisi karo maamul Goboleedka Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe oo muddooyinkaan dambe shirar arimahaasi looga hadlaayay ay ka dhaceen Magaalada Muqdisho.
Xasan Shekh Maxamuud wuxuu sheegay in dhismaha Maamul Goboleedka ay door weyn ka qaadanayso hirgelinta hanaanka Federaalka Soomaaliya iyo horumarka deegaanka.
Dalka Soomaaliya ayaa waxaa ka socda hirgelinta hanaanka Federaalka Soomaaliya oo hada waxaa socda qorshaha ku aadan dhismaha maamul usameynta Gobolada Dhexe ee dalka Soomaaliya oo lagu madalsan yahay inuu furmo 1-da Bisha soo socota.
Inkastoo caqabado badan ay jiraan oo ku aadan hirgelinta Hanaanka Federaalka Soomaaliya, maadaama dadka Soomaaliyeed aysan horay u aqoon Federaal ayaa hadana Dowladda Soomaaliya ay sheegtay inay ka go’an tahay dhameystirka qorshaha dhismaha Maamul Goboleedyada Soomaaliya.
Gobolka Hiiraan waxaa ka taagan colaado udhaxeeya beelo halkaasi wada daga, iyadoo Madaxweynaha Soomaaliya uu hadalkaan ka sheegay shalay markii uu booqday Magaalada Beladweyne.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

