Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Damjadiid ee uu hogaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kula heshiiyey Madaxweynaha Dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele inuu ciidan u geeyo Magaalada Cadaado si musharaxa uu doonayo Xasan Sheekh oo ah Cabdikariin Xuseen Guuleed looga dhawaaqo inuu Madaxweyne ka yahay Maamulka Goboladda Dhexe ee Soomaaliya.
Wasiirka Arrimaha Gudaha DF Odowaa ayaa qorsheeyey marka ciidamada Jabuutiyaanku tagaan magaalada Cadaado inuu isna tago magaaladaas oo uu kasoo jeedo, si uu ergada Damujadiid ee ka qeyb galeysa shirka uu gacantiisa ugu qeybiyo kaararka ka qeybgalka shirka halkaasna looga dhawaaqo in Cabdikariin Xuseen Guuleed yahay Madaxweyne, Magaalada Cadaado-na tahay Caasimadda Maamulka Goboladda Dhexe ee Soomaaliya.
Odoyaasha 9-ka beelood oo haatan shirka dib u heshiisiinta uga socdo Magaalada Dhuusamareeb ayaa uga digay ciidamada Jabuutiyaanka inay kasoo talaabaan xuduuda Gobolka Hiiraan iyaga oo xanbaarsan danaha kooxda Damujadiid, taas oo ay ka dhalan karto dagaal dhiig ku daato oo dhex mara ciidamada Jabuutiyaanka iyo Beelaha Gobolada dhexe ee Soomaaliya.
Odoyaasha dhaqanka 9-ka beelood ayaa Jabuutiyaanka iyo ciidamada AMISOM ee sector 4 ugu baaqay inay taageeraan go’aanada kasoo baxa shirka dib u heshiisiinta uga socda beelaha Gobolada dhexe magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud.
Odoyaasha Beelaha ayaa ugu baaqay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle inuu dhexdhexaad ka noqdo siyaasadda Dalka uusanna isku dayin inuu koox diimeedka Damjadiid dulsaaro shacabka Gobolada dhexe ee Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan Sheekh iyo kooxdiisa Damjadiid ayaa doonaya shirka dib u heshiisiinta iyo Maamul u sameynta Gobolada dhexe inay afduubaan oo shirka geystaan magaalo aysan dooneyn 9-ka beelood oo hadda shirku ugu socdo Magaalada Dhusamareeb.
Isku dayga Damjadiid kula heshiiyeen Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele ayaa mideeyey culimadda ASWJ iyo 9 beelood oo shirka uga socdo Magaalada Dhuusamareeb, ASWJ iyo 9-ka beelood ayaa ka mideysan inaan shirka la geynin magaalada Cadaado, maadaama halka ugu haboon ee beelaha dhan ku qanci karaan ay tahay caasimada Gobolka Galgaduud ee Dhuusamareeb.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

