Xog: Yaa suurta galiyey sii-deynta Coldoon ee maanta?

Hargeysa (Caasimada Online) – Wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon ayaa maanta dib u helay xoriyadiisa, muddo badan oo uu ku xirnaa gudaha Somaliland, kadib dadaalo badan oo laga sameeyay sii deyntiisa.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, sii deynta Wariye Coldoon ayaa waxa qeyb weyn ka qaatay beesha caalamka, gaar ahaan Hay’addo caalami ah oo muddooyinkii u dambeeyay soo saarayey baaqyo culus oo ay ku dalbanayeen in dib loogu soo celiyo xoriyadiisa.

Sidoo kale waxa dadaalada lagu sii daayey Coldoon, ka qeyb qaatay mucaaridka Somaliland, kuwaasi oo xukuumada Muuse Biixi cadaadis ku saarayey sidii loo sii deyn lahaa Wariyaha oo lagu haystay eedeymo ay qareenadiisu ku tilmaameen ‘kuwo waxba kama jiraan ah’.

Muddooyinkii dambe waxa si weyn u socday ololo iyo baaqyo kala gadisan oo lagu xoojinayey dadaalada lagu dalbanayey inuu dib u helo xoriyadiisa, kuwaasi oo ugu dambeyntiina maanta miro dhalay.

Wariye Coldoon ayaa saaka xabsiga laga sii daayey muddo ka badan sanad oo uu ku xirnaa, kadib markii uu Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi u fidiyay cafis uu muddo badan ka dhago adeygayey.

Coldoon ayaa waxa hore loogu soo eedeyay inuu ka qeyb noqday falal ku lidi ah madax-banaanida ay ku doodo Somaliland iyo eedeymo kale oo la xiriiray sumcad dil iskuul Mareykan ah oo ku yaala gudaha Somaliland oo lagu magacaabo Abaarso.

Wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon oo sidoo kale ahaa Safamale kaalmeeya dadka tabaaleysan ayaa maanta dib ula midoobaya qoyskiisa uu mudada badan ka maqnaa.