Washington (Caasimada Online) – Qarax xooggan ayaa ka dhacay warshadda sifeynta shidaalka ee Valero ee magaalada Port Arthur ee dalka Mareykanka, iyadoo qiiq weyn uu cirka isku shareeray
Dhacdadan ayaa ku qasabtay mas’uuliyiinta Mareykanka inay amar ku bixiyaan in dadka deggen dhinaca galbeed ay guryahooda ku nagaadaan.
Antonio Mitchell oo ka tirsan Waaxda Dab-demiska ee Port Arthur ayaa xaqiijiyay in shil uu ka dhacay xarunta Valero, inkasta oo mas’uuliyiintu ay bixiyeen faahfaahin kooban illaa iyo hadda.
Mitchell ayaa wax yar kadib qaraxa sheegay in aan weli la ogeyn nooca shilka iyo waxa sababay, xilli kooxaha gurmadku ay si degdeg ah ugu sii qulqulayeen goobta.
Sida uu qoray bogga 12NewsNow, Taliyaha Booliska Degmada Jefferson, Zena Stephens, ayaa sheegtay in mashiinka kuleyliyaha (heater unit) uu qayb ka ahaan karo sababta qaraxa.
Mas’uuliyiinta ayaa dhankooda xaqiijiyay in aysan jirin wax dhaawacyo ah oo la diiwaangeliyay, lamana bixin amarro ku saabsan daadgureyn ballaaran, iyadoo si dhow loola socdo xaaladda iyo tayada hawada ee aagga.
Guud ahaan aagga loo yaqaan Mid-County, goobjoogayaal ayaa soo sheegay inay maqleen jug culus oo ruxday daaqadaha guryaha iyo gawaarida. Dhanka kale, qof deggen nawaaxigaas ayaa sheegay in hawadu ay lahayd ur aad u xooggan.
Iyadoo la adeegsanayo Shabakadda Digniinta ee Koonfur-bari Texas (Southeast Texas Alerting Network), maamulka magaalada Nederland ayaa sheegay in ciidamadooda booliska iyo waaxda dab-demiska ay si firfircoon roondo ugu jiraan, isla markaana ay kormeerayaan tayada hawada ee dhinaca koonfureed ee magaalada.
Mas’uuliyiinta ayaa shacabka u xaqiijiyay, isla markaana ka digay xaaladda, iyagoo yiri: “Waqtigan xaadirka ah, ma jirto wax saameyn ah oo ku yimid magaalada Nederland,” waxayna raaciyeen inay shacabka la wadaagi doonaan xogaha cusub haddii ay xaaladdu isbeddesho.
Ugu dambeyn, mas’uuliyiinta Waaxda Gaadiidka ee Texas (TxDOT) ayaa uga digay darawallada inay ka fogaadaan aaggaas, gaar ahaan waddooyinka waaweyn ee SH 87 iyo SH 82 ee u dhow warshadda shidaalka ee qaraxu ka dhacay.

