25.8 C
Mogadishu
Friday, November 14, 2025

Wasaarada amniga gudaha oo beenisay warqad inay Qatar u dirtay la sheegay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda amniga gudaha Soomaaliya ayaa beenisay qoraal lagu baahiyey baraha bulshada oo ayada loo tiriyey.

Qoraalkaas beenta ah ayaa waxa la sheegay inuu ahaa mid wasiirka amniga Soomaaliya, Maxamed Abuukar Islow  Ducaale uu dowladda Qatar uga codsaday dhaqaale ay ku xaliyaan mushahar la’aanta ciidamada haysata.

Wasaaradda waxay sheegtay in warqaddaasi aanay waxba ka jirin oo ay tahay mid dadka lagu marin habaabinayo, islamarkaana aysan wax mushaar-kabis ah Wasaaradda Amniga Gudaha weydiisan Wasaaradda Arrirnaha Gudaha dalka Qatar.

“Waxaan ku war-gelinaynaa dadka sameeya warqadaha been abuurka ah in aan sharciga la tiigsan doono hadii aysan ka waantoobin marin habaabinta ba’an ee ay maleegayaan si qalqal loo geliyo habsann u socodka hawlaha dowladda Soomaaliya” ayaa lagu yiri qoraalka.

Hoos ka arag qoraalka wasaaradda iyo kan been abuurka ah

- Advertisement -

Read more

Local News