Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa soo saartay war-saxaafadeed ay ku sheegtay inay si weyn uga xun tahay burbur ka dhacay goob macdanta dahabka laga qodo oo ku taalla tuulada Zamboye ee galbeedka Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe.
Wasaaradda ayaa sheegtay in burburkaasi ay ku dhinteen in ka badan boqol qof, halka dad kalena weli la la’yahay. Wasaaradda ayaa iyadoo ku hadlaysa magaca dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, tacsi tiiraanyo leh u dirtay dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe, gaar ahaan qoysaska ay ka geeriyoodeen qaar ka mid ah eheladooda.
“Iyadoo labada dal ay yihiin xubno ka wada tirsan Midowga Afrika, dowladda Soomaaliya waxay garab taagan tahay Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe xilligan adag ee murugada leh, waxayna u muujinaysaa garab-istaag dadka ku dhaawacmay iyo dhammaan kuwa ku hawlan gurmadka socda,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka wasaaradda.
Intaas kaddib, war-saxaafadeedka ayaa la kulmay dhaleeceyn xooggan oo uga timid qaar ka mid ah bulshada Soomaaliyeed, kuwaas oo dowladda ku canaantay sida ay uga tacsiyeyn dhibaatooyinka gudaheeda ee sababa dhimashada.
Inkastoo Wasaaradda Arrimaha Dibadda ay dowladda Soomaaliya u qaabilsan tahay xiriirrada dibadda, haddana shacabka ayaa si aan caadi ahayn uga falceliyay tallaabadan, iyagoo su’aalo ka keenay mudnaanta ay dowladdu siisay tacsi loo diray dal shisheeye xilli dalka gudihiisa ay ka dhacayaan dhacdooyin sababa dhimashada dad Soomaaliyeed.
Falcelinta shacabka ayaa si weyn ugu baaqday in dowladda ay sidoo kale si la mid ah uga hadasho, uga tacsiyeeyso, ugana damqato dhibaatooyinka iyo khasaaraha ka dhaca gudaha Soomaaliya.
Cabdullaahi Cabdicasiis ayaa yiri: “Dadka Soomaaliyeed ee meelwalba ku dhibaataysan maad ka hadashaan ama ka tacsiyeysan intaydan Central Africa isku qaadin.”
“Dilka dhalinyarada reer Koonfur Afrika wax ka hadlaayo ma aragteen,” ayuu yiri Maxamed Aamiin Garaad oo kamid ah dadka ka falceliyay war-saxaafadeedka wasaaradda oo lasoo dhigay barteeda Facebook.
Mahad Jakarta: “Wasaaradii tacsiyo iyo hambalyeyn miyey u sameysan tahay waa yaabe. War kuwaan miyeynan xilkas ahayn, miyaanan lala xisaabtameyn.”
Maxamed Jiinow Xasan ayaa isna waxa uu yiri: “Kuwa Turkiga uu Puntland ku layaay tacsi uma bahno miyaa, Afrikantaas ayaa ka naxsan tihiin.”
Si kastaba, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa waxay u aragtaa tacsi u dirista dalalka ay Soomaaliya xiriirka la leedahay inay ka mid tahay waajibaadka diblomaasiyadeed, maadaama Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe ay labaduba xubin ka yihiin Midowga Afrika, ayna leeyihiin xiriir rasmi ah.


