Odowaa oo ku biiray Baarlamaanka Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya waxaa maanta ku biiray C.raxmaan Maxamed Xuseen Odwaa oo ah wasiirka arimaha gudaha xukuumada Soomaaliya.

Wasiir C/raxmaan Odowaa ayaa waxaa lagu badalay Cabdi Maxamed Abtidoon oo kamid ahaa dadkii ku geeriyooday weerarkii ka dhacay hotel Saxafi kaasi oo masuuliyadiisa ay sheegteen ururka Alshabaab ee dagaalka kula jira dowlada.

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta ka doodayay xeerka saxaafada Soomaaliya ayaa waxaa wajiga labaad ee ajandahooda wuxuu ahaa Dhaarinta wasiir Odowaa oo xubnaha baarlamaanka maanta ku biiray.

Inta badan wasiirada xukuumada Soomaaliya ayaa kamid ah xubnaha baarlamaanka Soomaaliya waxaana wasiir Odowaa uu kamid noqonayaa wasiirada labada xil isku haya.

Dhanka kale waxaa maanta xildhibaanada baarlamaanka ay ka doodeen xeerka saxaafada Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com