Wasiir Cawad oo dalbaday in Soomaaliya laga qaado cunaqabateynta HUBKA

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda Somalia Axmed Ciise Cawad, ayaa u sheegay Golaha guud ee QM in dowladiisa curdunka ah ay talaabooyin muuqda ka qaaday la dagaalanka Maleeshiyada Al-Shabaab.

Cawad, waxa uu ugu baaqay QM in la qaado cunaqabateynta Hubka ee mudada dheer saran Somalia.

Wuxuu yiri “Qaadista cunaqabateynta Hubka waxay sare u qaadi doontaa dagaalka aan kula jirno maleeshiyaadka xagjirka ah, iyadoo awooda xoojinta dagaalka u suurtagalin karto ciidamada Somalia inay gacan sare yeeshan” ayuu yiri Wasiir Cawad oo ku hadlaayay magaca Madaxweynaha Somalia.

Dhanka kale, Wasiir Cawad waxa uu sheegay in dadka da’da yar aysan kusii biireynin Al-Shabaab, isla markaana aragtida Al-Shabaab aad loo taageersaneyn.

Cawad, waxa uu intaa ku daray in dowlada Somalia ay arrintaa la kaashato hogaamiyayaasha Diinta, Dadka da’da yar iyo Odayaasha sidii looga hortagi lahaa aragtida naceybka Al-Shabaab.

Cawad, waxa uu intaa ku daray in Taliyayaal sare oo ka tirsan Al-Shabaab ay ka faa’iideysteen cafiska dowlada isla markaana si nabad galyo ah isugu soo dhiibeen dowlada.

Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa isku dayeysa in dowlad Islaami ah ka dhisaan Somalia, waana Kooxda xagjirka ee dhimashada badan ka geystay Somalia.

Geesta kale, Cawad ayaa Beesha Caalamka ugu baaqay in la taageero howlgalka Somalia inta ay Soomaaliya kala wareegeyso amaanka dalka.

ISHA AP

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com