Wasiir Fiqi oo ka digay arrin yaab leh oo Al-Shabaab ay qorsheeyeen beelaha

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa ka digay qorshe xasaasi ah oo oo uu sheegay inay waddo kooxda Al-Shabaab, xilli ay wajaheyso cadaadis kaga imanaya dowladda iyo shacab is-abaabulay.

Fiqi ayaa sheegay in Al-Shabaab ay qorsheynayaan isku dirka beelaha inta dagaalka lagula jiro si ay u marin habaabiyaan dib u xorreynta socota, ayaga oo dagaalka ka dhigi doona beel ku duushay deegaanka beel kale.

Fiqi ayaa hadalkan ka sheegay kulan wadatashi ah uu uu la yeeshay odeyaasha dhaqanka ee Galmudug, isaga oo kala hadlay kaalintooda la xiriirta dib-u-heshiisiinta, xasilinta deegaannada laga xoreeyey Al-Shabaab iyo ka feejignaanta “dhagartooda is kahor keenista beelaha.”

Fiqi ayaa sheegay in Al-Shabaab ay ku tilmaameen dadkii ay tuulooyinka ka gubeen kuwa mooriyaan oo qudhaacu dhuruq ah, isaga oo intaa raaciyey in xagjirnimada kooxdaasi darteed aaney odeyaasha ka qeyb geli karin horumarinta deegaanadooda sida ceel qodis, guryo dhisid, beero iyo wixii la mid ah. 

Wasiir Fiqi waxaa uu ku bogaadiyey beelaha kala duwan sida ay uga gadooodeen dulmiga Al-Shabaab, isaga oo adkeeyey in gulufka hadda socda ee ka dhanka ah argigixisada uu gaaro meesha ugu dambeysa. 

Hadalka Fiqi ayaa yimid maalin kadib markii afhayeenka Al-Shabaab Cali Dheere uu digniin u diray beelaha dagaalka kula jira kooxda, isagoo sheegay inay jiraan qabiilo garab u noqday waxa uu ugu yeeray “gaalada”.

Al-Shabaab waxay sidoo kale qireen in dowladda Soomaaliya ay qabaa’ilka ku hubeysay, wuxuuna afhayeenka u hadlay kooxdaas qabaa’ilka la dagaalamaya ku tilmaamay ‘kuwii isbaarooyinka dhiga jiray’ sida uu hadalkiisa u dhigay.

“Qabaa’ilkaas waxaan leeyahay waxaa la doonayaa in dano gaar ah la idinku gaaro, kadibna meel cidlo ah la idinkaga tago, idinkoo halaagsamay,” ayuu yiri Cali Dheere.

Sidoo kale Afhayeenka Al-Shabaab ayaa u hanjabay qabaa’ilka kacdoonka wada, isagoo sheegay in reerkii ama jifo kasta oo ka hor timaada Al-Shabaab oo la dagaalanta ay beylah u tahay gacanta iyo seefta kooxda.

“Xasan Sheekh iyo kuwa la socda waxaan leeyahay, dhaarta aad dhaarateen ayaa inoo dhaara, laba dhaar ma jireyso, waxaana rajeynayaa in wakhti aan ku kala bixi doono dagaalka,” ayuu hadalkiisa ku sii daray afhayeenka Al-Shabaab.