Farmaajo iyo wasiir Fowsiya oo qaatay tallaalka COVID-19 ee la keenay Soomaaliya

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasiirka Caafimaadka xukuumadda xil-heynta ee dowladda Federaalka Soomaaliya Drs. Fowsiyo Abiikar Nuur ayaa noqotay qofkii ugu horreeyay ee qaata tallaalka Covid-19 ee shalay la keenay Soomaaliya.

Wasiiradda waxey noqotay masuulkii ugu horreeyay ee qaata tallaalka, waana qofkii ugu horreeyay ee gayiga Soomaalida, tanina waxaa lagu tilmaamay iney dhiirigelineyso isticmaalka tallaalkaan.

Sidoo kale madaxweynaha Muddo xileedkiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa qaatay tallaalka, iyadoo walaac badan laga muujinayo tallaalka xanuunka Covid-19 maadaama ay in ka badan 10 dal oo dunida ah iska joojiyeen.

Tallaalka cudurka Covid-19 ee ay soo wada saareen shirkadda AstraZeneca iyo Jaamacadda Oxford ayaa shalay laga soo dajiyay garoonka Aden Cadde ee magaalada Muqdisho, waxaana la sheegay inuu gaarayo 300,000 oo ah nooca Oxford-AstraZeneca si loo gaarsiiyo boqolkiiba 20 dadka ku nool Soomaaliya.

Waxaan tallaalkan la siin doonaa howlwadeenada caafimaadka ee ka howlgala cisbitaallada, Booliska, dadka da’da ah iyo dadka la daala-dhacaya xanuunada kala duwan.

Soomaaliya waxay ka mid tahay dalalka ka faa’ideysanaya barnaamijka Covax ee ay hoggaamineyso Qaramada Midoobey ee ujeedkiisu yahay in tallaalka Covid-19 lagu gaarsiinayo waddamada saboolka ah.