Wasiir hore oo ka runsheegay FASHILKA DFS.!!

Muqdisho (Caasimada Online):-Wasiirkii hore ee Gaashaandhiga Cabdi Xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi oo la hadlaayay mid kamid ah Idaacadah ka howlgala magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay marxalada kala guur ee uu iminka galaayo dalka iyo ka gudbida Nidaamka 4.5.

Fiqi waxa uu sheegay in Nidaamka 4.5 uu sabab u yahay kala fogaanshiyaha Soomaalida waxa uuna carab dhabay in shaqsi ahaantiisa uu nidaamkaasi u arko mid aan horumar gaarsiinkarin dalka.

Fiqi waxa uu tilmaamay in Nidaamka 4.5 uu dulminaayo Beelaha qaar, taasina ay tahay mid xaqdaro muujineysa in DFS ay kusii dhiirato in dalka ay ku maamusho nidaam kala qeybinaaya Ummadda Soomaaliyeed.

Wuxuu Fiqi farta ku goday ineysan cadaalad ahayn in wax lagu soo doorto 4.5 waxa uuna sheegay in haddii ay dhacdo in doorashadu noqoto nidaamkaasi ay Somalia dib ugu laabaneyso dhibaatooyinkii u dhexeeyay Beelaha Soomaaliyeed ee iminka u muuqda mid laga sii gudbaayo.

Waxa uu DFS ugu baaqay inay u hogaansamato qaabka ay Beelaha Soomaaliyeed ku qanacsan yihiin waxa uuna tilmaamay inaysan jirin wax dhaama in doorashadu noqoto qof iyo cod.

Waxa uu soo hadalqaaday dagaalada u dhexeeya DFS iyo Al-shabaab waxa uuna nasiib darro ku sheegay in Dowladu ay kusii dhiirato inay dagaal la gasho maleeshiyaadka Al-shabaab, isaga oona ku taliyay in nabadda Somalia lagu raadiyo wada-hadal.

DF ayuu ugu baaqay in Al-shabaab ay la furto wada-xaajood si aan dagaalada socda loogu baabi’in shacabka aan waxba galabsan.

DFS ayuu ku eedeeyay inaysan diyaar u aheyn inay wada-hadal la furto Al-shabaab waxa uu carab dhabay in Dowladu aysan qorshaha ku darsan inay wada-xaajood kusoo afmeerto dagaalka kala dhexeeya Al-shabaab.

Haddalka Wasiirkii hore ee Gaashaandhiga Cabdi Xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi, ayaa imaanaya xili ay DFS awoodeeda isugu geysay la dagaalanka maleeshiyaadka Al-shabaab waxa uuna Fiqi ka digay in Nabada Somalia loo maro dagaal iyo dhiig la daadiyo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com