Wasiiradii xilalka waayey ee Muqdisho dacwada ka furay oo xog bixiyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah golahii wasiirada ee maamulka Hirshabeelle oo dhawaan xilka laga qaaday ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay dacwadda ay gudbiyeen iyo cidda ay sida tooska ah ugu socoto.

Wasiirada ayaa sheegay inay dacwadooda ka dambeysay kadib markii aan la siin 15 bilood oo mushaar ah oo xaq ay u lahaayeen, taasi oo keentay inay maxkamadda u gudbiyaan dacwadda ka dhanka ah hogaanka Hirshabeelle.

Axmed Muuse Xuseen oo kamid ah wasiirada maamulka Hirshabeelle ee gudbiyay dacwadda ayaa sheegay inay sugayeen muddo badan inay helaan xaqa ay lahaayeen balse aysan dhicin.

Wuxuu sheegay in cabashadooda ay gudbiyeen ayna ku wajahan tahay seddexda masuul ee ugu sareyso xilka maamulka Hirshabeelle, sida uu hadalka u dhigay.

“Cabashooyin ayaan qabnay, waxaan dacwada  u gudbinay maxkamadda, waxaana laga codsaday inaan qareen qabsano, xaq ayaan u leenahay inaan dacwoono, 15 bilood maanan helin gunadeenii, waxaana dacwadda ka gudbinay guddoomiyaha, madaxweynaha iyo ku xigeenkaba”

Seddexda masuul ee ugu sareyso Hirshabeelle ayaa inta badan kala qeybsada dhaqaalaha ka yimaada deegaanada Hirshabeelle iyo dowladda dhexe ee Soomaaliya, sida ay qabaan qaar kamid ah wasiirada dacwadda gudbiyay.

Ma jiro war kasoo baxay ilaa iyo hadda madaxweynaha, ku xigeenkiisa iyo guddoonka baarlamaanka maadaama ay yihiin dadka eedeynta loo jeedinayo.

Caasimada Online
Xafiisa Hirshabeelle
Caasimada@live.com