Wasiirka amniga DF oo ka hadlay tallaabadii ay maanta qaadeen ciidamada DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Sii-hayaha Wasiirka Amniga xukuumadda xil-gaarsiinta, Xasan Xundubey Jimcaale oo maanta warbaahinta la hadlay ayaa ka hadlay tallaabadii ay maanta qaaday dowladda ee ay ciidamada amniga ku xireen qeybo kamid ah wadooyinka Muqdisho.

Xasan Xundubey ayaa ugu horeyntii shacabka Soomaaliyeed uga mahad-celiyay dhibaatada ay u mareen waddooyinkii ay xireen ciidamada dowladda, taasi oo uu sheegay inay keentay Madaxdii kala duwaneyd ee ka qeyb-galeysay Aaska madaxweynihii hore Cali Mahdi Maxamed.

Xundubey ayaa sheegay in dedaalka guddiga loo xil-saaray aaska madaxweynihii hore ee Soomaaliya uu alle u fududeeyay mas’uuliyadda laga sugayay oo dhowr qeyb ahayd sida uu sheegay, una kala qeyb-saneyd soo qaadista Maydka, Janaasada iyo aaska loo sameeyay.

“Looma kala harin aaska loo sameeyay AUN Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Marxuum Cali Mahdi Maxamed, howsha aaska oo saddex qayb ah waxa ay kasoo bilaabatay in laga soo qaado Nairobi, Janaasada lagula tukaday Garoonka Aadan Cadde iyo aaska qabriga la geeyo, waa howl culus oo dhammaan shacab, Madax, Ehel, Ciidamo, Saraakiil iyo cid weliba oo kaalin ka qaadatay aaska qaran, waana in loo soo wada duceeyo,” ayuu yiri.

Salaada Janaasada ee marxuum Cali Mahdi ayaa waxa garoonka gudihiisa uga tukaday Madaxda xukuumadda wakhtigeeda dhamaaday, madaxweynayaal hore, qaar ka mid ah musharaxiinta mucaaradka iyo ehelada Marxuumka.

Allaha u naxariistee madaxweyne Cali Mahdi Maxamed ayaa la sheegay inuu xanuunka Covid-19 u geeriyooday, waxaana saaka diyaarad khaas ah kasoo qaaday Nairobi, ayada oo aas qaran loogu sameeyay magaalada Muqdisho.